TOP 10: Xiddigaha Ugu Mushaharka Badan Serie A Oo La Soo Saaray – Cristiano Ronaldo Oo Ka Mushahar Badan Isku Darka De Ligt, Lukaku, Godin, Donnarumma Iyo Ribery

Advertisements

Cristiano Ronaldo ayaa ah xiddiga ugu mushaharka badan horyaalka Serie A isagoo sannadkii kooxda Juventus ka qaata 31 milyan euro.

Waxaa sarre u kacaya mushaharka laga bixiyo kubada cagta Talyaaniga waxaana u sabab ah xiddig reer Portugal kaasoo tagay horyaalka xagaagii la soo dhaafay.

Xiddigaha Ugu Mushaharka Badan

Wargeyska Talyaaniga ee Gazzetta dello Sport ayaa soo bandhigayxiddigaha ugu mushaharka badan horyaalka Talyaaniga, waxaana ay sheegeen in mushaharkii la bixiyay xilli ciyaareedkii hore uu wadar ahaan ahaa 1.13 bilyan euro halka xilli ciyaareedkan uu noqon doono 1.4 bilyan euro.

Xiddigii hore ee Real Madrid ayaa hogaaminaya xiddigaha ugu mushaharka badan horyaalka isagoo qaata 31 milyan euro waxaana uu ka mushahar badan yahay Matthijs de Ligt (8m euros), Romelu Lukaku (7.5m euros), Gianluigi Donnarumma (6m euros), Diego Godin (5m euros) iyo Franck Ribery (4m euros) oo la isku daray.

Ronaldo waxa uu mushahar ahaan u qaataa inta ay mushahar ahaan u bixiso kooxda Parma oo dhan (31 milyan euro), waxaana uu ka sareeyaa kooxda SPAL (30 milyan euro) iyo Brescia (28 milyan euro)

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Man United Oo Shaacisay Liiska Xiddigaha Ay Kala Hortageyso Wets Ham - Miyaa Lagu Soo Daray Daniel James, Paul Pogba Iyo Anthony Martial?

Juventus, oo dooneysa inay hanato koobkeedii 9aad ee isku xiga ee horyaalka Serie A ayaa bixisay mushaharka ugu badan (294 milyan euro), waxaa ku xigta Inter (139 million euros), AS Roma (125 million euros), AC Milan (115 million euros) iyo Napoli (103 million euros).

Advertisements

Kooxda Atalanta oo sannadkan ka qeyb qaadaneysa wareega group-yada Champions league ayaa mushahar ahaan u bixisa 34 milyan euro, iyadoo xiddigeeda ugu mushahar badan Duvan Zapata uu qaato 1.8 milyan euro sannadkii.

Dhanka kale Cagliari waxa ay Radja Nainggolan siisaa 3 milyan euro, Sergey Milinkovic-Savic waxa uu 2.5 milyan euro ka qaataan Lazio halka Mario Balotelli uu 1.5 mlyan euro ka qaato Brescia.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Waa Kuwan AFARTA Daafac Dhexe Ee Uu Pep Guardiola Midkood Lasoo Saxeexan Karo January Si Uu Tartanka Horyaalka Ula Galo Liverpool.

Comments are closed.