TOP 10: Xiddigaha Ugu Koobabka Badan Kubada Cagta Oo La Shaaciyay – Halkee Ayay Ka Soo Galeen Lionel Messi & Cristiano Ronaldo?

Advertisements

Xiddigaha Ugu Koobabka Badan Kubada Cagta

Xilli ciyaareedka cusub ayaa si fiican uga socda wadamada qaarada Yurub, waxaana durbaba saadaal laga sii sameeyay kooxaha hanan kara koobab ugu waa weyn ee loo tartamayo.

Waxa ay muuqataa tartan labo fardood ah inuu ka socdo England iyadoo Liverpool iyo Manchester City ay mar kale ku dagaalamayaan Premier League.

xiddigaha ugu koobabka badan

Atletico Madrid ayaa dhexda ka gashay dagaalka La liga ee Real Madrid iyo Barcelona, Dortmund waxay ku dhegan tahay Bayern Munich horyaalka Bundesliga halka PSG iyo Juventus ay weli awood ku heystaan horyaaladooda.

Ciyaartoy badan ayaa rajeynaya inay bilado kale hantaan xilli ciyaareedkan.

Jariirada Daily Mirror ayaa eegtay xiddigaha ugu koobabka badan kubada cagta

Xisaabta laguma darin abaamarinta shaqsiyadeed sida Ballon d’Or.

Xiddigaha ugu koobabka badan kubada cagta

10. Sir Kenny Dalglish – 29 koobab waa weyn

Waxa uu koobabka intooda badan la qaaday Liverpool oo uu ciyaaryahan iyo tababare u soo ahaa, sidoo kale waxa uu guulo la gaaray kooxda Celtic.

10. Cristiano Ronaldo – 29 koobab waa weyn

Mid ka mid xiddigaha abid ugu fiican dunida Ronaldo waxa uu ku soo najaxay kooxaha Manchester United, Real Madrid iyo Juventus uu haatan joogo. Halka uu sidoo kale koobab la qaaday dalkiisa Portugal

8. Vitor Baia – 30 koobab waa weyn

Goolhayihii hore ee Portugal waxa uu guulaha intooda badan la gaaray FC Porto waxa uu qeyb ka ahaa kooxdii Jose Mourinho ee qaaday Champions League, wuxuu sidoo kale u ciyaaray Barcelona oo uu la qaaday La Liga.

7. Zlatan Ibrahimovic – 31 koobab waa weyn

Shan wadan ayuu koobab ku soo qaaday Zlatan Ibrahimovic, waxa uu horyaal ku qaaday Holland, Spain, France iyo Italy halka uu seddex koob la qaaday Man united. Wuxuu soo maray kooxaha sida Barcelona, Juventus, Inter Milan, AC Milan, PSG iyo Ajax. Haatana waxa uu joogaa LA Galaxy

6. Maxwell – 33 koobab waa weyn

Inta badan waxaa la dhahaa inuu daba socon jiray Ibrahimovic, daaficii hore ee bidix waxa uu ku guuleystay koobab badan, Brazil ayuu waayihiisa ciyaareed ka bilaabay, waxa uu ka dib guulo la gaaray Ajax, ka hor inta uusan koobab la qaadin Inter, Barcelona iyo PSG.

5. Ryan Giggs – 34 koobab waa weyn

Halyeeyga reer Wales dalkiisa wax koob ah lama qaadin laakiin mudadii dheereyd ee uu joogay Man United ayay koobabkaan ku guuleystay.

5. Gerard Pique – 34 koobab waa weyn

Pique guulihiisa ugu badan waa Barcelona halka uu sidoo kale koobab caalami ah la qaaday xulka Spain, isagoo sidoo kale guulo la gaaray Manchester United.

3. Lionel Messi – 36 koobab waa weyn

Inkastoo uusan guulo la gaarin xulka Argentina hadana Lionel Messi waxa uu 36 koob la qaaday kooxda Barcelona

Advertisements

2. Andres Iniesta – 37 koobab waa weyn

Guulaha Andres Iniesta wuxuu ku gaaray Barcelona iyo xulka Spain oo uu koobab caalami ah la qaaday.

1. Dani Alves – 41 koobab waa weyn

Xiddiga ugu koobab badan ciyaartoyda kubada cagta, daafaca reer Brazil waxa uu koobab ku qaaday Sevilla, Barcelona, Juventus, PSG iyo xulka qarankiisa Brazil.

4 responses to “TOP 10: Xiddigaha Ugu Koobabka Badan Kubada Cagta Oo La Shaaciyay – Halkee Ayay Ka Soo Galeen Lionel Messi & Cristiano Ronaldo?”

  1. saciid balaleti waa taageere Barcelona iyo Liverpool

    giggs and scholes waxay ku kala koobab bateen ma aqaan mid waliba 12 horyaal ayuu kuso guuleystay

    • Scholes 25 koob ayuu qaaday waayihiisa ciyaareed oo 11 ay Premier League ay tahay. Giggs 34 koob uu qaaday 13 ka mid ah waa Premier League waa xiddiga ugu koobabka badan UK

  2. Wax badan ayaa khaldan ma waxa leedihiin kuma jiran 10kaa qof xavi iyo ilkar cassilas mida kalle iniesta waxa uu kobabka la qaday waa barca iyo spain intasba wuu jogay xavi waliba wuu ka ciyar badnaa oo 1998 bu u dhelayey barca xavi mrka hool hayihi real iyo xavi wa wali inay ka maqnadan somaliyey na kala qabta yaah