Xiddigaha Joogaya, Kuwa Tegaya Iyo Xaaladda Guud Ee Arsenal Ee Xili Ciyaareedka Dambe Oo La Saadaaliyey

Xagaaga soo aaddan waxa uu mid xiiso badan u noqonayaa Arsenal oo tababare Mikel Arteta 15 ciyaarood oo uu hoggaamiyey uu ku gaadhay go’aamo badan oo uu dib ugu soo celinayo kooxda heerkii ay hore uga taagnaan jirtay horyaalka Premier League iyo tartanka Champions League intaba.

Macallinka reer Spain ayaa dareerin doona raxan ciyaartooyo ah oo uu si rasmi ah uga fisixi doono Emirates, kuwo kalena uu amaah ku diri doono, laakiin waxa uu u baahan yahay in loo dhiibo malaayiin Gini oo uu suuqa ku galo oo uu kusoo iibsado ciyaartooyo cusub, xilli xaaladda dhaqaale ay adag tahay.

Kooxda ka dhisan magaalada London ayaa xagaagii hore suuqa gelisay lacag dhan £160 milyan oo Gini oo uu tababarihii shaqada laga caydhiyey ee Unai Emery kusoo iibsaday ciyaartooyo aan saamayntooda sidii la rabay loo dareemin,.

Afar sannadood oo xidhiidh ah oo ay ka maqan tahay tartanka Champions League oo ay Europa League dhex-fadhiyo, waxa haddana ay la dhibaataysan tahay inay koobkaas kooxaha hoose ku dagaallamaan ay hanato, taas oo ka caawin lahayd inay kusoo laabato Champions League.

Sky Sports ayaa saadaal ku sameeyey sida ay Arsenal noqon doonto xili ciyaareedka dambe iyo laacibiinta ay hadda haysato kuwooda tegi doona iyo kuwa joogaya.

Saadaashan ayaa waxa Sky Sports uu ku sheegay in Mesut Ozil iyo Aubameyang oo ah laacibiinta loo badinayo inay bixi doonaan ay kusii negaan doonaan Emirates, laakiin waxa ciyaaryahannada tegaya ka mid noqday weeraryahanka reer France ee Lacazette.

Akhriso saadaasha Sky Sports:

Goolhayeyaasha

Bernd Leno: Wuu joogayaa
Emiliano Martinez: Wuu joogayaa
Matt Macey: Wuu tegayaa

Difaaca

Baasha Midig
Hector Bellerin: Wuu joogayaa
Cedric Soares: Wuu joogayaa

Baasha bidix
Kieran Tierney: Wuu joogayaa
Sead Kolasinac: Wuu tegayaa

Difaaca dhexe
David Luiz: Wuu joogayaa
Pablo Mari: Wuu joogayaa
Rob Holding: Wuu joogayaa
Calum Chambers: Wuu joogayaa
Konstantino Mavropanos: Amaah ayuu ku baxayaa
Sokratis: Wuu tegayaa
Shkodran Mustafi: Wuu tegayaa

Khadka dhexe

Granit Xhaka: Wuu joogayaa
Mesut Ozil: Wuu joogayaa
Joe Willock: Wuu joogayaa
Ainsley Maitland-Niles: Wuu joogayaa
Matteo Guendouzi: Wuu joogayaa
Lucas Torreira: Wuu tegayaa
Mohamed Elneny: Wuu tegayaa
Dani Ceballos: Wuu tegayaa

Weerarka

Pierre-Emerick Aubameyang: Wuu joogayaa
Alexandre Lacazette: Wuu tegayaa
Gabriel Martinelli: Wuu joogayaa
Reiss Nelson: Wuu joogayaa
Nicolas Pepe: Wuu joogayaa
Bukayo Saka: Wuu joogayaa
Eddie Nketiah: Wuu joogayaa
Henrikh Mkhitaryan: Wuu tegayaa

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*