Xiddiga Saxeexa Cusub U Dhigma Ee Tababarka Qaatay, Midka Muhiimka Ah Ee Maqnaanaya & Xaalada Barcelona Kahor Kulanka PSG

Kooxda Barcelona ayaa war isku dhafan ka heshay tababarkii ugu dambeeyay ee ay kooxdeedu samaysay  xilli uu kusoo wajahan yahay kulanka aadka muhiimka ugu ah xilli ciyaareedkooda ee ka tirsan wareega 16-ka ee UEFE Champions League ee ay Paris Saint-Germain wajahayaan.

Advertisements

Warka wanaagsan ayaa ah in daafaca dhexe ee kooxdaas ee Gerard Pique oo mudo dheer garoomada ka maqnaa uu tababarka qaatay isla markaana uu qayb ka noqon karo ciyaartaas.

Image

Dhinaca kale warka aan u ficnayn jamaahiirta kooxdaas ayaa ah inuu tababarka awoodi waayay da’yarka daafaca dhexe ee Ronald Araujo oo xilli ciyaareedkan gaar ahaan tan iyo kaddib dhaawacii Pique muhiim u ahaa Barca.

Araujo ayaa wali qaba xanuunka dhaawac canqawga ah oo ku gaadhay kulankii ay guusha kasoo gaadheen Real Betis isla markaana waxa jirta suurogalnimo uu ku seegi karo ciyaarta Paris.

Xaqiiqada ayaa ah in Barcelona aysan waxba ka ogaan doonin xaalada dhabta ah iyo taam ahaanshaha Pique iyo Araujo ilaa lagu dhawaado kulanka PSG.

Xataa haddii ay labaduba fiicnaadaan waxa ay u badantahay in tababare Ronald Koeman uusan kusoo bilaabi doonin maadaama oo ay dhaawacmi karaan markale haddii garoonka lagula deg-dego.

Haddiiba uu kala doorto Koeman labada daafac ayaa la qiyaasayaa inuu dooran doono Pique oo u muuqday mid fiican intii tababarku socday.

Advertisements

 

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*