Xiddiga Reer Brazil Hulk Oo Guursaday Gabar Ay Waalid U Tahay Xaaskiisa Hore & Fiiso Oo Sabab U Noqday Guurkooda

Advertisements

Xiddiga reer Brazil Hulk ayaa lagu waramayaa inuu guursaday gabar ay eedo u tahay xaaskiisa hore ka dib markii ay xaqiijiyeen xiriirkooda bishii December.

Weeraryahanka ayaa furay xaaskiisa hore Iran Angelo oo ay 12 sannadood wada joogeen bishii July ee sannadkii la soo dhaafay, waxaana bishii December la shaaciyay inuu xiriir la sameeyay gabar ay xaaskiisa hore waalid u tahay oo lagu magacaabo Camila Angelo.

Waxaa la sheegay in lamaanahan ay xiriirkooda bilaabeen bishii October ee sannadkii la soo dhaafay.

33 jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa haatan guursaday Camila ka dib markii uu barahiisa bulshada ku shaaciyay inuu guursaday.

Lamaanaha cusub ayaa sawiro ay isla joogaan soo dhigay baraha bulshada iyagoo ku cadeynaya guurkooda.

Sida uu sheegay wargeyska reer Argentina ee Infobae, guurka degdega ah waxaa ugu wacnaa xaqiiqda ah in Camila ay u baahneyd fiiso ay ku joogto Shiinaha.

Advertisements

Hulk iyo Camila ayaa ku nool dalka Shiinaha madaama uu weeraryahanka u ciyaaro kooxda horyaalka Shiinaha ee Shanghai SIPG FC.

Ciyaaryahan ayaa la sheegay inuu warka ku saabsan guurka Camila oo ay eedo u tahay xaaskiisa hore ee Iran Angelo inuu ogeysiiyay seddexdiisa caruur ah ee ay u dhashay Iran Angelo oo kala ah Ian, 10, Thiago, 8, iyo Alice, 6.

Comments are closed.