Xiddiga Chelsea Ee Kai Havertz Oo U Sheegay Thomas Tuchel Booska Uu Ku Fiican Yahay Ee Ay Tahay In Laga Ciyaarsiiyo

Xiddiga Chelsea ee Kai Havertz ayaa shaaciyey booska ugu wanaagsan ee ay tahay in laga ciyaarsiiyo kaddib wacdarihii uu ka dhigay kulankii Everton ay ku garaaceen Isniintii, halkaas oo uu laacibkani sabab u noqday labada gool ee saddexda dhibcood ku hoggaamiyey kooxdiisa.

Advertisements

Kai Havertz ayay u ahayd habeenkii uu ugu fiicnaa intii uu joogay Chelsea, waxaana goolka hore uu kooxdiisa hoggaanka ugu dhiibay kubbad uu ku toogtay goolka oo uu isku sii leexiyey Godfrey, halka midka labaadna uu ahaa rikoodhe isaga lagu galay oo uu gool u beddelay Jorginho.

Laacibkan ayaa 13 ciyaarood oo Premier League ah ugu soo bilowday Chelsea xilli ciyaareedkan, laakiin kulanka xalay waxa uu ka ciyaaray boos cusub oo ka duwan meelihii hore looga ciyaarsiin jiray.

Tababarihii hore ee Frank Lampard ayaa heli waayay booska uu ugu fiican yahay laacibkan ay kasoo bixiyeen £72 milyan ee Gini xagaagii tegay, waxaase muuqata in tababaraha cusub ee Thomas Tuchel uu xalay sirta bandhigga ugu wanaagsan laga helayo Kavertz.

Advertisements

21 jirkan oo warbaahinta la  hadlay ayaa u sheegay tababare Thomas Tuchel booska ugu fiican ee ay tahay inuu ka ciyaaro si uu hibadiisa ciyaareed ugaga faa’iideeyo kooxda, goolalna ugu dhalin karo.

“Waxaan ka ciyaaray SAGAALKA beenta ah (false nine), waxaan helay xorriyad aan ku tago meel walba oo aan doonayo, waxaanay ila tahay in halkaas aan ku wanaagsanahay.” ayuu yidhi Kai Havertz.

“Waxa aan jecelahay inaan xorriyad ku helo garoonka dhexdiisa. Waxaan u malaynayaa inay ahayd inaan nasiib yeesho si la iigu ogolaado goolkii laga iga diiday (kubadda ayaa gacanta kaga dhacday ka hor intii aanu dhalin), laakiin aad ayaan ugu faraxsanahay bandhigga, kaliya aniga uun maaha laakiin kooxda oo dhan.”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*