Xiddiga Arsenal Ee Olaleeyo Qoomu Luudyada Oo Ka Waramay Haddii Uu Jiro Xiddig Qoomu Luud Ah Iyo Haddii Ay Kubada Cagta Aqbali Doonto

Advertisements

Daafaca midig ee Arsenal Hector Bellerin ayaa aaminsan in kubada cagta aysan diyaar u aheyn ciyaaryahan si cad u sheeganaya inuu yahay qoomu luud.

Xiddiga reer Spain ayaa ka mid ah ciyaartoyda isboortiga ee ololeeya dadka isku jinsiga ah ee isku taga ama qoomu luudyada.

Bellerin wuxuu si dhow u la shaqeeyaa koox taageerayaal Arsenal ah oo qoomu luudyada halka uu sidoo kale Premier League kala shaqeeyo suuqgeynta anshax xumada ee Premier League.

Inkastoo uu ka shaqeynayo suuqgeynta qoomu luudyada hadana Bellerin ayaa qirtay inay waqti qaadan doonto in la aqbalo ciyaaryahan qoomu luud ah.

Wareysi uu siiyay jariirada The Times ayuu ku yiri: “Ma garanayo haddii kubada cagta ay diyaar u tahay inay aqbasho ciyaaryahan qoomu luud ah.

“Waxaan la hadlayaa ururka qoomu luudyada Gunners, marka ay tagaan goobaha lagu daawado ciyaaraha Arsenal waxay la kulmaan dhibaatooyin sababtoo ah waxay xirtaa funaanado ay ku cadeynayaan inay yihiin qoomu luud.

“Aniga ahaan waali ayay ila tahay. Waxaan dhamaanteen ka wada tirsanahay hal qoys.”

25 jirkaan ayaa hadalkiisa raaciyay: “Waa qodob aan laga hadlin.

“Qolka labiska waan uga hadalnaa arintaan laakiin waligeey ma maqlin qof dhahaya waxaan ahay qoomu luud.

“Ma jirto cid maqashay ciyaaryahan sidaas oronaya. Haddii ay jirto qof garanaya qof sidaas ah isna wuu aamusayaa si uu u ilaaliyo nolasha qofkaas.”

Advertisements

1 Fekrad

  1. Asc
    Walaalkeyga muslimka ahaw ixtiraam magaca (LUUD) waayo wa magac nabi sharaf leh, adeegso erayo kale halkii aad marwaliba kuso celcelin laheyd (Qoomu Luud).
    Mahadsanid

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*