Xiddig Weyn Oo SAGAAL Sanno Oo Xabsi Ah Lagu Xukumay Markii Uu Kufsaday Islamarkaana Bahdilay Gabadh 23 Sanno Jir Ah

Ciyaaryahankii hore ee Real Madrid iyo AC Milan Robinho ayaa la xaqiijiyay xukunkiisii xabsiga sagaalka sannadood sida ay shaacisay maxkamada racfaanka ee magaalada Milan ee dalka Talyaaniga.

Advertisements

Robinho oo 37 sanno jir ah ayaa xukunkaan lagu riday bishii December markii uu ka qeyb qaatay kufsi wadareed ka dhacay dalka Talyaaniga sannadkii 2013, waxaa danbiga lagu helay markii ugu horeysay sannadkii 2017.

Maxkamada racfaanka ayaa cadeysay in Robinho uu bahdilay islamarkaana uu si xun u sharad dilay dhibana oo u dabaaldegeysay dhalashadeeda 23aad habeenkii kusiga uu dhacay sida ay sheegtay jariirada La Repubblica.

Haatan Robin ho ayaa heysta 45 maalmood oo uu racfaan kale ugu gudbiyo maxkamada sarre ee Cassation, oo ah maxkamada ugu sareysa ugu danbeysa ee uu racfaan u gudbin karo dalka Talyaaniga.

Weeraryahankii hore ee AC Milan waxaa lala xukumay saaxiibkiisa Ricardo Falco.

Sharciga Talyaaniga ayaa ah in xabsigiisa uusan u bilaaban doonin ilaa iyo uu ka soo dhamaado racfaanka u furan.

Robinho ayaa qirtay inuu xiriir la lahaa gabadha islamarkaana uu ugu galmooday ogolaanshaheeda.

Wuxuu sheegay in markii uu ka tagay xaflada in asxaabtiisa oo shan gaareysa ay iyagana gabadha ugu galmoodeen ogolaanahshaeeda laakiin uusan iyagu u hadli karin.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*