Xiddig U Dheela Man United Oo Loo Saadaaliyay Inuu Shan Sanno Gudaheed Ku Guuleysan Doono Abaalmarinta Ballon d’Or

Ninkii ka mas’uulka ahaa in xiddiga Manchester United Amad uu fursad ka helo Atalanta ayaa sheegay in 18 jirkaan uu leeyahay tayo uu ku qaadi karo abaalmarinta Ballon d’Or shanta sanno ee soo socota.

Advertisements

Xiddiga garabka ka ciyaara ee Ivory Coast ayaa ka soo wareegay Talyaaniga una soo wareegay Old Trafford bishii Janaayo, isagoo haatan wax yar ka soo bandhigay tayadiisa iyo waxa laga filan karo.

Wuxuu goolkiisii ugu horeysay u dhaliyay Red Devils kulankii AC Milan ee horaantii bishaan, wuxuuna ahaa mid wacdarro dhigay kulamadii yaraa ee fursada la siiyay.

Giovanni Galli ayaa markii ugu horeysay arkay Amad isagoo u ciyaaraya koox xaafadeed Talyaani ah oo lagu magacaabo Boca Barco, wuxuuna durbadiiba arkay inuu yahay xiddigh tayo weyn leh.

Advertisements

Isagoo u hadlayay shabakada Goal, wuxuu sheegay inuu aaminsan yahay in ciyaaryahanka uu cirka soo taaban karo.

“Ma jiro qof la mid ah Amad ” ayuu yiri Galli. “Laakiin waa inuu jir ahaan iska dhigo mid xoogan. Isla waqtigaas waa inuu dhuminin xawaarihiisa taasoo ah tayada ka soocda ciyaartoyda kale.

“Si kooban haddii aan u tilmaamo, waxaan qabaa inuu leeyahay tayo uu ku qaadi karo abaalmarinta Ballon d’Or shanta sanno ee soo socota.”

Amad ayaan weli ka ciyaarin horyaalka Premier League iyadoo kulamada uu Manchester United ay saftay ay yihiin koobabka Europa League iyo FA Cup.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*