Xiddig Muslim Ah Oo Ka Ciyaara Premier League Oo Fasaxa Qaboobaha Uga Faa’ideystay Inuu Soo Cumreysto

Advertisements

Xiddiga khadka dhexe ee Sheffiled United Muhamed Besic ayaa fasaxa qaboobaha ee ay ku jiraan kooxaha qaarkood ee Premier League uga faa’ideystay inuu soo cumreysto.

Muhamed Besic oo u dhashay dalka Bosnia ayaa u duulay dalka Sacuudi Areebiya si uu u soo cumreysto madaama kooxdiisa Sheffield United ay ku jirto fasax labo isbuuc ah.

Waxa bartiisa bulshada soo dhigay sawir uu isaga dhex qaaday Xaramka.

Muhamed Besic waxaa iska leh kooxda Everton oo amaah hal xilli ciyaareed ah ku siiyay kooxda Sheffield United isagoo ka ciyaara booska burburiyaha khadka dhexe.

Kulankiisii ugu horeysay ee Sheffield United waxa uu saftay labo bilood ka dib markii uu kooxda amaah ugu wareegay isagoo ka horyimid West Ham United.

Besic ayaa goolkiisii ugu horeysay ee xilli ciyaareedka waxa uu ka dhaliyay koobka FA Cup isagoo shabaqa ka soo taabtay kooxda Millwall.

Waxa uu horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan u saftay Sheffield United sagaal kulan.

Advertisements

Sheffield United oo xilli ciyaareedkan u soo dalacday horyaalka Ingariiska ayaa wacdarro dhigeysa iyagoo ku jira kaalinta shanaad islamarkaana labo dhibcood ka hooseeya kooxda kaalinta afaraad ee Chelsea oo kulan uu u harsan yahay.

Waxay ka sareeyaan kooxaha kala ah Tottenham, Everton, Man United, Wolves iyo Arsenal oo 10ka kooxood ee ugu sareeya ka mid ah.

Comments are closed.