Xiddig Muhiim U Ah Oo Ka Dhaawacmay Real Madrid & Walwal Soo Wajahay Tababare Zidane

Rodrygo Goes ayaa dhaawac halis ah uu ka soo gaaray muruqa bowdada qeybtii hore ee kulanka horyaalka La Liga ee ay Real Madrid caawa la ciyaareyso Granada.

Advertisements

Xiddiga garabka ka ciyaara ee reer Brazil ayaa ceyrsanayay kubad laakiin wuxuu riixid yar kala kulmay xiddiga Dimitri Foulquier taasoo keentay inuu si xun u dhaco.

Rodrygo ayaa garoonka looga saaray bareelo waxaana bedelay Marco Ansensio daqiiqadii 37aad ee ciyaarta iyadoo dhaawaciisa uu u muuqday mid halis ah.

Wuxuu ahaa kulankii afaraad ee isku xigta ee xiddiga da’da yar uu ku soo bilowdo shaxda Real Madrid.

Real Madrid ayaa berri ku sameyn doonta baaritaano si loo ogaado inta uu gaarsiisan yahay dhaawaciisa.

Waxaa laga cabsi qabaa in jeex muruqa ah uu soo gaaray taasoo keeni karta inuu muddo dheer garoomada ka maqnaado.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*