Xiddig Ka Tirsan Manchester United Oo Go’aansaday Inuu Iskaga Tago Old Trafford & Kooxda Uu Ku Biirayo

Weeraryahanka reer Uruguay ee Edinson Cavani ayaa doonaya inuu iskaga tago Manchester United kaddib hal sannadood oo uu joogay Old Trafford, taas oo uu inta badan kursiga kaydka ama dhaawac kaga maqnaa.

Advertisements

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa Edinson Cavani si xidhiidh ah ugu soo bilaabayay usbuucyadii ugu dambeeyey oo uu beddelay Martial oo dhalliil badan loo jeedinayay ka hor intii aanu dhaawacu gaadhin.

Edinson Cavani ayaa haystay sannad miiska u saarnaa oo uu qandaraaskiisa ku kordhin karayay marka uu dhamaado heshiiskiisa hore oo ku eg dhamaadka xilli ciyaareedkan, hase yeeshee waxa uu hadda go’aansaday inuu soo gabogabeeyo waayihiisa Old Trafford oo uu dib ugu laabto Latin America.

Laacibkan oo heshiis xor ah bishii October ugu soo wareegay Manchester United isagoo ka yimid PSG, ayaa shan bilood oo kaliya joogay England, waxaanu ka xidh-xidhan doonaa marka uu sannadkiisa heshiiska ahi dhamaado, waxaanu qorshihiisu yahay inuu dhamaystiro riyadiisii carruurnimada ee ahayd inuu u ciyaaro kooxda reer Argentina ee Boca Juniors.

Advertisements

Kooxda reer Argentina ayaa xiise weyn u muujisay Edinson Cavani markii uu ka dhamaaday qandaraaskii PSG ee aanu Manchester United tegin, waxaanay wada hadleen Juan Roman Riquelme oo ah Madaxweynaha Boca Juniors, kaas oo uu u ballanqaaday inuu mustaqbalka iman doono.

34 jirkan ayaa la sheegay inuu Riquelme ka dalbaday in kooxdu ay samayso saxeexyo waaweyn si ay ugu tartami karto tartanka Copa Libertadores.

Edinson Cavani ayaa Manchester United u saftay 25 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah oo 11 ka mid ah uu kusoo bilowday, waxaana uu u dhaliyey toddoba gool.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*