Xiddig Ka Ciyaara La Liga Oo Loo Diiday Inuu Arko Xaaskiisa & Caruurtiisa Inkastoo Ay Hal Guri Kuwada Nool Yihiin

Advertisements

Markii Ezequiel Garay laga helay caabuqa Coronavirus, wuxuu durbadiiba ogaa in waqtigii uu la qaadanayay qoyskiisa inay soo dhamaatay isagoo karantiil isku geliyay qolkiisa islamarkaana iska xiray xaaskiisa iyo caruurtiisa.

Laakiin xaaskiisa Tamara Gorro ayaa wax badan caawineysa iyagoo kawada xiriira muraayada qolkiisa, waxayna kala fogaanshahooda ku soo bandhigeen Instagram.

Bilihii ugu danbeysay daafaca ayaa ku jiray xaalad adag iyadoo dhaawac xun oo soo gaaray bishii Febraayo ay keentay in la shaaciyo inuu ka maqnaanayo Valencia inta ka harsan xilli ciyaareedka.

Isbuucyo ka dib, waxaa la xaqiijiyay inuu noqday xiddigii ugu horeeyay horyaalka La Liga ee laga helay caabuqa Coronavirus.

Si kastaba, Garay oo 33 jir ah ayaa weli isku dayaya inuu noloshiisa sii wato inkastoo uusan arki karin qoyskiisa oo ay hal guri kuwada nool yihiin, waxayna inta badan ku xiriiraan Skype.

Garay ayaa baraha bulshada soo dhigay sawir muujinaya sida isaga iyo qoyskiisa ay u kala fog yihiin hadana ay ugu wada nool yihiin hal guri.

Isagoo ku xiran qolkiisa jiifka islamarkaana xirtay maaskarada afka ayuu soo istaagay daaqada oo dhalo ay ku xiran tahay.

Advertisements

Waxaa iyadana daaqada taagan xaaskiisa Tamara oo halkaas dhunkasho uga direysa iyagoo muujinaya hilowga ay isku qabaan.

Waxa uu sawirkaas ku soo hoos qoray: “Mar walba ayay ila joogtaa, wax walba oo dhaca…. aad iyo aad ayaan ku jeclahay jaceykeygii. Mahadsanid”

Comments are closed.