Waa Kuma Xiddiga Arsenal Ee Diiday Amarka Tababarihiisa Kulankii Ay Xalay Badiyeen Ee Carabao Cup? Unai Emery Ayaa Ka Hadlay

Advertisements

Arsenal ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigtay Emirates kulankii xalay oo Talaado aheyd iyagoo kooxda heerka labaad ee Notthingham Forest ku xasuuqday 5-0 islamarkaana xaqiijistay booskooda wareega afaraad ee Carabao Cup.

Unai Emery ayaa soo safay ciyaartoy da’ yar kuwaasoo ka garab ciyaarayay Mesut Ozil iyo Skhodran Mustafi iyadoo Arsenal ay wareega xiga ee League Cup u gudubtay 48 saacadood ka dib markii ay 3-2 kaga soo badiyeen Aston Villa horyaalka Premier League.

Inkastoo tayada weeraryahanada Gabriel Martinelli, Joe Willock iyo Reiss Nelson ay banaanka taalay islamarkaana ay shabaqa soo taabteen, tababare Unai Emery ayaa ka hadlay muhiimada daafaca Calum Chambers.

Tababaraha reer Spain ayaa qirtay in daafaca oo boosas badan ka ciyaari kara uu caawiyay kooxda, waxaana uu amaanay dabeecada ciyaaryahanka inkastoo uusan dheg u raaricinin amarka tababarihiisa intii ay ciyaarta socotay.

“Waa uu ina caawiyay. Wuxuu nagu caawiyay taabare, qolka labiska, marka aan u baahanahay inaan ka dheelo daafac midig, daafac dhexe, iyo daafac bidix sida caawa oo kale, xitaa waxaan ka ciyaarsiin karnaa khadka dhexe” ayuu yiri Emery oo ka hadlayay Chambers ciyaarta ka dib.

“Bandhigiisa waxa uu ka bilowdaa dabeecadiisa, dabeecadiisana waa mid cajiib ah.

Advertisements

“Ka dib waxaa ku xiga booskiisa ugu fiican laakiin tusaale ahaan caawa waxaan u sheegayay marka uu ka ciyaarayay daafac bidix inuu halkaas ku negaado inuu taageero Bukayo Saka inuu kubada u baaso Dani Ceballos, laakiin inta badan waxa uu ka hormarayay Bukayo isagoo weerar ah.

“Hal baas oo aad u fiican ayuu sameeyay goolkii Nelson. Ma uusan dhageysan warkeyga.”

WARARKA KALE EE MAANTA:

Comments are closed.