Taageerayaasha Chelsea Oo Dalbaday In Kabtan Azpilicueta Keydka La Geliyo Ka Dib Xiddig Dhaawac Ka Soo Laabtay Maanta

Advertisements

Taageerayaasha kooxda Chelsea ayaa ku farxay in daafaca Reece James uu tababarka ku soo laabtay, laakiin waxa ay sidoo kale ku baaqeen in keyd la geliyo kabtankooda Cesar Azpilicueta.

Azpilicueta ayaa qaab ciyaareed liita ku jira xilli ciyaareedkan isagoo bandhig aan joogta aheyn kula bilowday tababare Frank Lampard.

James oo amaah ku joogay Wigan xilli ciyaareedkii la soo dhaafay ayaa dhaawac uu ka soo gaaray canqowga kulan tabarucaad ah oo ay Chelsea ciyaartay bishii May.

Laakiin Chelsea ayaa haatan xaqiijisay in Reece James uu ku soo laabtay tababarka iyadoo la filayo inuu dhawaan u dheelo kooxda Blues.

Akoonka Twitter ee Chelsea ayaa lagu soo qoray: “Waxaa garoonka tababarka ku soo laabtay @ReeceJames_24.”

Jawaabtii ay taageerayaasha ka bixiyeen ayaa noqotay mid ay durbadiiba ku baaqayaa in Azpilicueta keyd la geliyo.

Mid ayaa soo qoray: “Azpi waa ay u dhamaatay.”

Mid kale ayaa yiri: “Mahadsanid Azpi macsalaamo”

Mid seddexaad ayaa soo qoray: “Azpilicueta waxa uu si toos ah ugu lug lahaa lix ka mid ah sagaal gool oo naga dhashay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan. Dhibaatada ma ahan daafacyada dhexe.

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  Aabaha Dhalay Xiddiga Barca U Soo Baxay Ansu Fati Oo Shaaciyay Xulka Qaran Ee La Doonayo Wiilkiisa: "Riyadiisa Iyo Teydaba Ma Ahan Inuu Xirto Maaliyada Spain"

“Reece James ayaa dabooli doona booskiisa, Rudriger waa uu soo laabanayaa halka Kante uu taageeri doono daafaca. Waxaan rajeynayaa in dhibaatada daafaceena ay yaraato.”

Advertisements

Taageere kale ayaa soo qoray: “Oh Yassss yaa soo laabtay. Reece James. Cesar Azpilicueta waa inaad baqdaa, weliba si aad ah u baqdaa.”

Mid kale ayaa yiri: “Waxaan xaqiiqdii heleynaa daafac inooga ciyaara garabka midig mar kale.”

Comments are closed.