Xiddig Caan Ah Oo Dalbaday In Meydkiisa La Gubo Oo Danbastiisa Lagu Daadiyo Garoonka Ugu Quruxda Badan Premier League

Xiddiga Ingariiska iyo kooxda Tottenham Eric Dier ayaa shaaca ka qaaday inuu doonayo in marka uu geeriyooday meydkiisa la gubo islamarkaana danbastiisa lagu dhex daadiyo garoonka ugu quruxda badan Premier League ee Tottenham Hotspur Stadium.

Advertisements

Dier ayaa ku biiray Tottenham sannadkii 2014, wuxuuna noqday taageere weyn oo kooxda ah sida uu ku soo bandhigay wareysi uu siiyay wargeyska Evening Standard.

Xiddiga Ingariiska ayaa sheegay inuu doonayo in marka uu geeriyooday la gubo meydkiisa islamarkaana danbastiisa lagu dhex daadiyo garoonka Tottenham Hotspur.

Wuxuu kale uu xusay in faa’idada uu ku qabo Tottenham inay tahay inuu si bilaash ah ku raaco taksiyada magaalada London madaama ay u badan yihiin taageerayaasha Spurs.

Dier oo 27 sanno jir ah ayaa yiri: “Waxaan jeclaan ahaa in danbasta meydkeeyga lagu dhex daadiyo garoonka Tottenham Hotspur.

“Waxaa jira taageerayaal badan oo Tottenham ah oo taksiilayaal ka ah London. Inta badan waxay igu qaadaan si bilaash ah.”

Dier ayaa sidoo kale ka hadlay isboortiga kaliya ee uu xiiseeyo iyo xiddiga uu sida weyn u taageero.

“Markii aan soo korayay, qoyskeyga waxay si weyn u xiiseyn jireen ciyaarta tennis-ka. Waxaan ahaa taageero weyn oo Rafael Nadal ah.

“Laakiin marnaba ma dooran karin Tennis anigoo arkaya kubada cagta.

“Waan jeclahay boqorada Ingariiska, taageero weyn ayaan u ahay musalsalka laga sameeyay boqortooyda Ingariiska ee The Crown”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*