Xiddig Ay Liverpool Si Weyn Ugu Xiistay Oo Soo Laabanaya Kulanka Adag Ee Chelsea Ay La Ciyaarayaan Isbuuca Danbe

Advertisements

Liverpool ayaa u qabatay Diogo Jota inuu soo laabto kulanka Premier League ee ay todobaadka danbe la ciyaarayaan kooxda Chelsea.

Xiddiga reer Portugal ayaa dhaawac ku maqnaa tan iyo markii uu ka dhaawacmay jilibka kulankii Champions League ee Midtjylland ee 9kii December.

Jota oo 41 milyan ginni uga soo wareegay Wolves xagaagii la soo dhaafay ayaa si cajaa’ib leh ku bilowday waayihiisa Anfield isagoo dhaliyay sagaal gool 17 kulan uu saftay.

Weeraryahanka ayaa tababar shaqsi ah sameynayay tan iyo markii uu dhaawaca ka soo laabtay, iyadoo Daily Mail ay sheegtay inuu tababarkiisa ugu horeeya ee kooxda uu la qaadan doono Arbacada.

Warbixinta wargeyska waxaa lagu sheegay in kulanka Liverpool ay Axada la dheeleyso Sheffield United inuu waqti dhow ku yahay Jota. Laakiin wuxuu diyaar u noqon doonaa kulanka ay Liverpool Anfield ku soo dhaweyneyso Chelsea 4ta bisha March.

Soo laabashada Jota waxay niyad-dhis weyn u tahay Liverpool kuwaasoo shan dhibcood ka danbeeya booska kaalinta afaraad ka dib guuldaradii ka soo gaartay Everton.

Kooxda Jurgen Klopp waxaa laga badiyay haatan afartii kulan ee ugu danbeysay ee Premier League, waxay sidoo kale ka niyadjabsan yihiin dhaawacii soo gaaray kabtan Jordan Henderson kulankii ay guuldarada 2-0 kala kulmeen Everton ee ka dhacay Anfield.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*