Xiddig Arsenal Ah Oo Tirtiray Akoonkiisa Twitter Ka Dib Fashilkii Ku Dhacay Kulankii Manchester City Ee Xalay

Goolhayaha Arsenal Alex Runarsson ayaa tirtiray akoonkiisa Twitter ka dib markii aflagaadooyin badan loo soo diray madaama uu qalad sameeyay kulankii Manchester City ee xalay.

Advertisements

Runarsson ayaa afar gool laga dhaliyay isagoo qalad weyn ku lahaa goolkii labaad ee City iyadoo Arsenal xalay oo Talaado aheyd laga reebay Carabao Cup.

Taageerayaasha ayaa fariimo aflagaado iyo xadgudub ah u diray ka dib qaab ciyaareedkiisii liitay ee goolka.

Waxayna taasi keentay in goolhaye reer Iceland inuu tirtiro akoonkiisa Twitter markii kooxdiisa 4-1 looga badiyay kulankii Emirates.

Runarsson ayaan weli u safanin Arsenal kulan Premier League ah laakiin waxaa lagu soo bilaabay kulankii wareega 8da ee Carabao Cup.

Wuxuuna ku bilowday sidii ugu xumeyd iyadoo Gabriel Jesus uu shabaqa soo taabtay seddex daqiiqo markii ay socotay ciyaarta.

Arsenal ayaase ciyaarta ku laabatay markii Alexandre Lacazette uu dhaliyay goolka barbaraha ka hor waqtigii nasashada.

Laakiin kooxda Pep Guardiola ayaa hogaanka ku soo noqotay ka dib qlaad weyn uu sameeyay goolhayaha keydka ee Arsenal.

Wuxuu shabaqa iska geliyay laad xor ah oo uu soo qaaday Riyad Mahrez daqiiqadii 54aad.

Kubada waxay gashay gacantiisa laakiin isaga ayaa isku sii saxay oo shabaqa iska sii geliyay.

Sky Blues ayaa 3-1 ka dhigay markii uu Phil Foden shabaqa soo taabtay iyadoo Aymeric Laporte uu dhameystiray goolka islamarkaana Man City u xaqiijiyay wareega afar dhamaadka.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*