Xiddig Aan Aheyn Lionel Messi Oo Lama Taabtaan Ka Noqday Barcelona & Ronald Koeman Oo Eexasho Sameynaya

Advertisements

Ronald Koeman ayaa si cad u sheegay markii uu noqonayay tababaraha Barcelona inuusan isbedel ku sameyn doonin shaxdooda.

Isku shaandheynta ma aheyn wax uu qorsheynayay inuu si joogta ah u sameynayo ama sabab la’aan.

Laakiin kubada cagta waa mid aan saadaal laheyn. Dhaawacyo iyo ganaaxyo ayaa ku qasbay inuu isbedelo badan sameeyao ka dib 10 kulan uu kooxda hogaaminayay.

Advertisements

Koeman ayaa labo shax oo isku mid ah soo safay kaliya labo kulan oo kala aheyd kulankii Villarreal iyo Celta Vigo.

Ilaa iyo 22 ciyaaryahan ayaa daqiiqado ay ku ciyaaraan helay xilli ciyaareedkan.

Ciyaartoyda qaar waa kuwa inta badan ka soo muuqda shaxda Koeman, laakiin xiddiga uu u janjeero mar walba waa Frenkie de Jong oo uu tababare ugu soo ahaa xulka Holland.

De Jong ayaa ah ciyaaryahanka kaliya ee kooxda ku jira ee aan marnaba shaxda laga bedelin, waxa uu ilaa iyo haatan ciyaaray 890 daqiiqo waana xiddigaha daqiiqadaha ugu badan dheelay kooxda oo dhan.

Lionel Messi, Sergio Busquets, Ansu Fati iyo Pedri ayaa iyagana loo arki karaa lama taabtaan iyagoo ka mid ah qorshayayaasha tababare Koeman. Dhamaantood waa ay ka qeyb qaateen 10ka kulan inkastoo mararka qaar ay kursiga keydka ka soo kacayeen.

Messi ayaa ah xiddiga labaad ee daqiiqadaha ugu badan dheelay isagoo ciyaaray 855 daqiiqo madaama uu kursiga keydka fadhiyay kulankii Real Betis ka hor inta uusan natiijo keenin.

Dhaawacyada Ansu Fati iyo Busquets ayaa dhabarjab ku noqon doona tababaraha reer Holland.

Advertisements

11kii Xiddig Ee Daqiiqadaha Ugu Badan Dheelay Xilli Ciyaareedkan

  1. Frenkie de Jong – 890 daqiiqadood
  2. Lionel Messi – 855 daqiiqadood
  3. Gerard Pique – 788 daqiiqadood
  4. Neto – 720 daqiiqadood
  5. Sergi Roberto – 719 daqiiqadood
  6. Sergio Busquets – 694 daqiiqadood
  7. Jordi Alba – 681 daqiiqadood
  8. Clement Lenglet – 643 daqiiqadod
  9. Ansu Fati – 596 daqiiqadood
  10. Antoine Griezmann – 589 daqiiqadood
  11. Pedri – 546 daqiiqadood
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*