Xavi Hernandez Oo Magacaabay Kooxaha Uu Premier League Ka Maamuli Lahaa Haddii Uu Fursada Heli Lahaa.

Advertisements

Halyayga reer Spain iyo kooxda Barcelona ee Xavi Hernandez ayaa shaaciyay kooxaha Premier League ee uu jeclaan lahaa in uu maamulo haddii uu heli lahaa fursad uu dalka England kaga shaqeeyo.

Advertisements

Xavi Hernandez ayaa badhtamihii sanadkan si rasmi ah u bilaabay waayihiisa tababaranimo ee kubbada cagta wuxuuna tan iyo bishii May gacanta ku hayaa kooxdii uu ka soo ciyaaray ee Al-Sadd oo dalka Qatar ka dhisan.

Xavi Hernandez ayaa tilmaamay in haddii uu ka shaqaynayo dalka England uu jeclaan lahaa in uu maamulo kooxaha Manchester City, Manchester United, Chelsea, Arsenal iyo Tottenham”