XASUUS: Ereyadii Dhaxal-galka Ahaa Ee Kobe Bryant Uu Ku Kala Saaray Lionel Messi Iyo Cristiano Ronaldo, Laacibiintii Kubadda Cagta Ee Ay Saaxiibbada Ahaayeen Iyo Waqtigii Uu Isagu Ciyaari Jiray Kubadda Cagta

Advertisements

Xilligii carruurnimadiisa, Halyeygii xalay shilka diyaaradda ku geeriyooday ee Kobe Bryant waxa uu waddanka Talyaaniga ku ciyaari jiray kubadda cagta. Xattaa intii uu kubadda Kolayga ee NBA-da xiddiga weyn ka ahaa, marar badan ayuu ciyaaray kubadda cagta, waxaanay u ahayd mid uu xiiseeyo.

Waxa uu ahaa shaqsi ku xidhan ciyaaryahannada waaweyn ee kubadda cagta qaarkood, balse waxa jiray hal laacib oo xidhiidhkoodu uu aad u qoto dheeraa kaas oo markii uu xalay maqlay warka geerida Kobe Bryant garan waayey ereyadii uu ku cabbiri lahaa dareenkiisa murugada leh iyo sidii uu ugu tacsiyeyn lahaa qoyska uu ka geeriyooday Kobe.

Laacibkani waa xiddiga Barcelona ee Lionel Messi oo iyadoo ay da’diisu aad u yarayd uu waddanka Maraykanka isku baray halyeygii reer Brazil ee Ronaldinho oo waqtigaas ahaa qofka ay sida dhow iskugu xidhan yihiin Kobe Bryant.

Doodda sannadaha badan soo taagnayd ee ku saabsanayd midka wanaagsan Lionel Messi iyo Cristiano Ronaldo, waxay gaadhay heer uu Kobe Bryant kusoo biiro oo uu ereyadiisa ka yidhaahdo, laakiin sida ay dadka qaarkood u tilmaamaan hal laacib oo gaar ah isagu ma samaynin, waxaana uu si duur xul ah garab u siiyey labada ciyaartoy midkood.

Mar wax laga weydiiyey Kobe Bryant labada ciyaartoy ee Messi iyo Ronaldo, waxa uu yidhi: “Hagaa, waxay ila tahay in Messi uu yahay mid ka mid ah ciyaaryahannadii ugu fiicnaa abid. Kartida, garaadka uu ku ciyaaro iyo sidoo kale xirfaddiisa ayaa madaxa iyo garbaha kuwa kale ka sarraysa. Cristiano Ronaldo na halkaas ayuu joogaa.”

Kobe Bryant waxa uu ka sheekeeyey waqtigii ay isbarteen Lionel Messi iyo sidii ay xaaladdu ahayd, waxaanu yidhi: “Waxay ila tahay in Messi uu ahaa 18 jir waqtigaas, laga yaabaa in uu 17 jir ahaaba. Ronaldinho ayaa u yeedhay, waxaanu igu yidhi ‘Kobe, waxaan doonayaa inaad la kulanto ciyaartoyga noqon doona halyeyga ugu wanaagsan kubadda cagta ee nool.'”

Advertisements

Markii uu Kobe Bryant sannadkii 2016 ka fadhiistay ciyaaraha, Messi ayaa bartiisa bulshada dul fadhiistay si uu u qoro ereyo uu ku macalaamaynayo halyeyga fadhiistay, waxaanu qoraal ku yidhi: “Bryant waxa uu mar walba ku jiri doonaa buugaagta taariikhda oo uu ka ahaan doono mid ka mid ah xiddigihii ugu wanaagsanaa. Isaga ayuu ahaa midkii iga caawiyey inaan xiiseeyo kubadda kolayga. Wanaag ayaan kuu rajaynayaa heerka labaad ee noloshaada, Kobe,”

Si kastaba, halyeyga Kobe Bryant shalay ayuu dunida ka tegay iyadoo ay wehelinayeen inan uu dhalay oo 13 jir ah iyo lix qof oo kale, kuwaas oo diyaarad Helikobtar ah ay kula dhacday waddanka Maraykanka.

Comments are closed.