XASAASI: Mohamed Salah Oo Siyaasada Cakiran Ee Masar Iyo Qatar Ku Seegi Kara Koobka Kooxaha Aduunka, Liverpool Oo Codsi U Dirtay Qatar & Jawaabta Lasoo Siiyay.

Advertisements

Kooxda Liverpool iyo jamaahiirteeda ayaa qaba cabsida ah in garabka kooxdooda ee Mohamed Salah uu siyaasada bariga dhexe ee u dhaxaysa dalkiisa Masar iyo Qatar ku seego tartanka Koobka Kooxaha Aduunka.

Tartanka Koobka Kooxaha Aduunka ayaa bisha December ka qabsoomi doona dalka Qatar waxaana xusid mudan in dhawaan dalka Masar ee uu Mohamed u dhashay ay xidhiidhka dublimaasiyadeeda u jareen dhigooda Qatar sanadkii 2017.

Iyadoo ay sidaas tahay dhawaana laga warqabo in inbadan oo kamida siyaasada lagu lifaaqay kubadda cagta ayay Liverpool oo war cad doonaysa arrimo ku saabsan ogolaanshaha Salah ee galista dalkooda waydiisay Qatar.

Sida ay haatan xaqiijinayaan ilo wareedyo kala duwani, Ilo sarre oo la isku halayn karo kana mid ah madaxda Qatar ayaa Reds ku wargeliyay inaysan wax xad gudub ah samayn doonin Salah-na loola dhaqmi doono si lamid ah asxaabtiisa Liverpool.

Advertisements

27 jirkan ree Masar ayaa hore dhawr jeer u booqday dalkaas oo uu ugu tagay saaxiibkiisa hore xulka Masar usoo matalay ee Mohamed Aboutrika oo falanqeeye ka ah kanaalka Sky Sports.

Si kastaba ha ahaatee, Waxa xusid mudan in dhibaatooyin siyaasadeed ay hadheeyeen kubadda cagta haatan waxaana mida ugu dambaysay ee ugu caansani ay tahay Mesut Ozil oo xulka Germany ku qabsaday sawir uu la galay madaxweynaha dalkiisa rasmiga ah ee Turkey-ga Recep Tayyip Erdogan.