Mustaqbalka kabtanka Real Madrid ee Sergio Ramos ee kooxdaas ayaa u muuqda mid aan wali meel lagu hubin oo cirka ku shareeran iyadoo labada dhinacba ay wali iska caabin ku jiraan.
Ramos oo ahaa mid ka tirsan Real Madrid tan iyo markii uu dhinaca Sevilla kaga soo biiray sanadkii 2005 ayaa ah mid qaab bilaash ah lagu heli karo xagaaga xilli ay kaliya 95 maalmood uga hadheen heshiiska uu kula joogo Los Blancos.
Iyadoo tartanka Euro uu bilaabmayo 11-ka bisha June ee sanadkan 2021 ayuu Sergio maalintaas shaqsiyan ka dhigtay maalinta kama dambaysta ah ee heshiis kordhintiisa.
Wargeyska AS oo hadda xog cusub bixiyay ayaa sheegaya in labada dhinac aysan wali xal ka gaadhin is-mari waaga heshiis cusub iyadoo uu Sergio Ramos doonayo qandaraas cusub oo 2 sano ah.
Warbixinta ayaa sheegaysa in madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez uusan doonayn inuu Ramos oo Salaasada 35 sano jirsan doona siiyo heshiis cusub oo laba sano ah.
Taas bedelkeeda Ramos oo laba horyaal iyo saddex Champions League la qaaday Los Blancos tan iyo markii kabtanka loo magacaabay ayaa aaminsan inuu u qalmo heshiis laba sano oo rasmiya ah amaba ah hal sano oo rasmi ah iyo sanad uu dookh u leeyahay inuu kordhisto.
Dhawaan ayay ahayd markii Ramos uu fogeeyay warar wax kaga sheegaya da’diisa weyn isaga oo sheegay inay wali sanado badan ugu hadheen ka ciyaarista heerka ugu sarreeya ee kubadda cagta.
App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora