XASAASI: Halyeeyga Barcelona Ee Rivaldo Oo Dhinac U Riday Mustaqbalka Lionel Messi & Talaabada Uu Qaadayo Oo Uu Sheegay

Halyeeyga xulka qaranka Brazil iyo kooxda Barcelona ee Rivaldo ayaa shaaca ka qaaday aragtidiisa mustaqbalka Lionel Messi iyo haddiiba uu filanayo in kabtanka kooxdiisii hore uu heshiis kordhin u sameeyo Barca.

Advertisements

Messi ayaa suuqii xagaagii hore ka yaabsaday Barcelona kaddib markii uu si cad ugu sheegay inuu doonayo inuu iskaga tago kooxda maadaama oo uusan ku faraxsanayn waxa kooxda ka dhacaya garoonka dhexdiisa iyo banaankiisaba.

Barcelona news: Club warned 'just one player' can replace Lionel Messi after he retires | Football | Sport | Express.co.uk

Mustaqbalka xiddiga Argentina kasoo jeeda ayaa wali ah mid shaki ku jiro iyadoo kooxo laga xusi karo Manchester City iyo Paris Saint-Germain ay xiiso u muujinayaan laakiin waxa uu hadda ku raaxaysanayaa qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa oo uu dib ugu helay Barcelona.

Rivaldo ayaa aaminsan in Messi oo heshiiskiisa Camp Nou yahay mid dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedkani uu u muuqdo mid ka farxad badan sidii hore tan iyo imaatinkii madaxweyne Joan Laporta.

Advertisements

Rivaldo oo waraysi siiyay Betfair ayaa yidhi “Barcelona si weyn ayay u horumaraysaa dhawrkii toddobaad ee ugu dambeeyay iyaga oo ka faa’idaysanaya qaab ciyaareedka Messi ee cajiibka ah iyo doorashada madaxweyne cusub”

“Messi waxa uu u muuqdaa mid intii hore in ka badan kooxda ku xidhan oo ka farxad badan tan iyo imaatinkii Laporta oo ah madaxweyne uu si fiican u garanayo”

“Sababtaas darteed waxaan bilaabayaa inaan in badan aamino in Messi laga yaabo inuu heshiis la gaadho boodhka cusub oo uu saxeexo heshiis cusub oo uu kooxda ku joogayo”

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*