XASAASI: Go’aanka Ay Madaxda Arsenal Ka Gaadheen Unai Emery Kaddib Bahdilaadii Leicester City Oo La Ogaaday – Miyay Ugu Dambayn Caydhinayaan?

Advertisements

Arsenal ayaa xalay markale ku hor kuftay kooxda Leicester City kulan ka qabsoomay King Power Stadium oo 2-0 kusoo dhammaaday, Natiijada kulankaas ayaan ahayn mid kaliya Gunners liidaysa balse dhibka kale ayaa ah in dhinac kasta ay Foxes awood ugu sheegteen.

In Leicester ay markale guuldarro baday Arsenal ayaa bar madaw ku ah taariikhda kooxda maadaama oo ay soo diiwaan gashadeen qaab bilawgii ugu xumaa ee ay xilli ciyaareed ka sameeyaan tan iyo 1982 ilaa 1983-gii.

Nacaybka ay jamaahiirta Arsenal u qabaan hoggaanka kooxdooda ee Unai Emery ayaa halkii ugu sarreysay gaadhay kaddib kulankaas waxaana markale cirka ku shareeraran wararka sheegaya haddii shaqada laga caydhinayo.

Arsenal ayaa haatan siddeed dhibcood ka dambaysa boosaska UEFA Champions League loogu soo baxo taas oo caddayn u ah baaqa kooxda ee ah in Emery la caydhiyo maadaama oo uusan isbedel dhicin kaddib bixitaankii Arsene Wenger.

Si kastaba, Wargeyska The Athletic ayaa sheegaya in madaxda kooxdaasi aysan gabi ahaanba ku dhawayn go’aanka ah inay shaqada ka caydhiyaan Emery isla markaana ay isaga haatan si buuxda uga dambeeyaan una taageerayaan.

Advertisements

48 sano jirkan ayaa la hubaa inuu markale booskiisa sii haysan doono kulanka xiga ee Southampton maadaama madaxda Gunners aysan doonayn inay go’aan gaadhaan kahor xagaaga dambe.

Warbixinta ayaa intaas ku daraysa in murashaxiinta doonayay inay jagada tababarenimo ka bedelaan Emery dhammaantood loo sheegay inaysan Arsenal haatan ka fikirayn wax tababare bedel ah.

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

*