XASAASI: Cristiano Ronaldo Oo Amar Deg-Deg Ah Siiyay Wakiilkiisa & Haddii Uu Doonayo Ku Laabashada Real Madrid

Weeraryahanka kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayaa lagu soo warramayaa inuu wakiilkiisa u sheegay inuu suuqa xagaaga soo socda u raadiyo koox cusub xilli ay jiraan kooxo dhawr ah oo lala xidhiidhinayo kaddib markii ay kooxdiisu markale qaab foolxun uga hadhay UEFA Champions League.

Advertisements

Xiddiga heer caalami ee ree Portugal ayuu heshiiskiisa Juventus yahay mid ay 15 bilood oo kale ka hadheen balse waxa uu isku dayi doonaa inuu soo gaabiyo mudadaas sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay.

Warar dhawaan soo baxay ayaa sheegayay in 36 sano jirkaasi uu isku dayi doono inuu ku biiro oo uu ku laabto mid ahaan kooxihiisii hore ee Manchester United iyo Real Madrid suuqa xagaaga ee sanadkan.

Dhinaceeda Juventus ayaa doonaysa inay iibiso Ronaldo haddiiba uu isagu go’aan ku gaadho bixitaan iyagoo ka cararaya inay qaab xor ah ku waayaan ciyaaryahan ay 100 Milyan oo Pound kasoo bixiyeen sanadkii 2018.

Advertisements

Walow uu Ronaldo ahaa mid si weyn ay ugu faa;iday Juventus tan iyo markii uu ku biiray laba sano iyo bilooyin kahor haddana dhibaatada kooxda ka haysata kulamada Yurub ayaa ah mid uu ka cadhaysan yahay.

Sida uu hadda sheegayo wargeyska Eurosport, Ronaldo ayaa wakiilkiisa caanka ah ee Jorge Mendes u sheegay inuu bilaabo oo uu ka shaqeeyo heshiis uu Real Madrid ugu celinayo suuqa soo socda.

Heshiiska ayaa noqon kara mid u wanaagsan dhammaan dhinacyada ka qayb galaya maadaama oo ay Juventus doonayso inay kala yarayso mushaharka ay bixiso oo uu xiddigeeda ugu mushaharka badani yahay CR7 oo ku dhawaad 600,000 oo euro qaata toddobaadkii halka Real Madrid ay doonayso saxeex jaban oo ay weerarkeeda ku xoojiso.

Real ayaa la filayaa inay sanadka dambe ee 2022 dalabaad ka gudbin doonto Kylian Mbappe iyo Erling Haaland balse kahor bilaabashada xilli ciyaareedka dambe ayay u baahan doonaan saxeexa weeraryahan cusub.

Advertisements

 

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*