Xaqiiqooyinkii Laga Diiwaangeliyey Kulankii Ay Arsenal Ku Garaacday Tottenham

Arsenal ayaa guul ay aad ugu baahnayd ka gaadhay toban ciyaartoy oo Tottenham oo marti ugu ahaa Emirates Stadium, waxaana gool lagala hormaray oo Spurs uu u dhaliyey Eric Lamela meesha ka saaray Martin Odegaard oo intii aanay qaybta horeba dhamaanin shabaqa soo taabtay.

Advertisements

Arsenal ayaa saddexda dhibcood ku qaadatay rikoodhe uu u dhaliyey Alexandre Lacazette oo ahaa kabtanka Gunners ee ciyaartan oo uu tababare Mikel Arteta ka ganaaxay kabtanka rasmiga ah ee Pierre-Emerick Aubameyang.

Xaqiiqooyinkii iyo rikoodhadii ciyaarta

Arsenal ayay u ahayd guushii ugu horreysay ee ay ka gaadho Tottenham tan iyo December 2018, iyadoo intii ka dambaysayna ahayd mar laga badiyo iyo mar ay barbarro galaan.

Advertisements

Tottenham ayaa guul-darradii sagaalaad ee xilli ciyaareedkan ay u ahayd caawa, taas oo Jose Mourinho uu ku barbarreeyey rikoodhkiisii guul-darrooyinka ee ugu badnaa ee hal xilli ciyaareed usoo hoyday. Haddii kooxdiisu guul-darraysato mar kale, waxay u noqon doontaa xilli ciyaareedkii Jose Mourinho ugu guul-darrooyinka badnaa.

Arsenal wax guul-darro ahi kama soo gaadhin tobankii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee horyaalka Premier League ee ay Tottenham ku qaabbishay Emirates Stadium (6 badis ah iyo 4 barbarro), halka Arteta ay u ahayd guushii saddexaad oo xidhiidh ah ee isagoo tababare  ah uu ka gaadho Tottenham. Arsene Wenger iyo Unai Emery ayaa hore sidaas oo kale u sameeyey.

Tan iyo markii uu guul-darrada kasoo hooyey kulankii ugu horreeyey ee London derby ee Emirates ee Premier League ee Chelsea ay 1-2 ku garaacday December 2019, Arteta ayaan lagaga badinin shantii ciyaarood ee ugu dambeeyey ee derby ah, isagoo afar guuleystay midna barbarro galay.

Spurs waxa laga dhaliyey toddoba rikoodhe oo horyaalka Premier League ah xilli ciyaareedkan, waa markii ugu badnaa ee koox uu Jose Mourinho macallin u yahay hal xilli ciyaareed gudaheed intaas oo rikoodhe laga dhaliyo.

Eric Lamela ayaa noqday ciyaaartoygii shanaad ee beddel kusoo gala taariikhda Premier League ee gool dhaliya, kaddibna kaadh cas la siiyo. Waxa ka horreeyey David Lee (1993), Bobby Zamora (2007), Ivan K;lasnic (2010) iyo Hal Robson-Kanu (2017).

Xiddigii garoonka

Da’yarka Arsenal ee Smiwth Rowe ayaa noqday xiddigii ugu wanaagsanaa ciyaarta iyadoo uu helay qiimayntii ugu sarraysay oo ahayd 8. Inkasta oo ay isku mid ahaayeen Tierney oo ay min 8 ka heleen qiimaynta, haddana laacibkan ayaa khatarta ugu badan ku hayay Tottenham iyo difaaceeda.

Qiimayntii ciyaartoyda labada kooxood

Arsenal: Leno 6; Cedric 7, Luiz 7.5, Gabriel 7.5, Tierney 8; Partey 7, Xhaka 7; Smith Rowe 8 (Willian 77, 6), Odegaard 7.5, Saka 6.5 (Pepe 46, 6.5); Lacazette 7 (Elneny 88, 6).

Tottenham: Lloris 6; Doherty 5, Sanchez 6, Alderweireld 7, Reguilon 6.5; Ndombele 6 (Alli 62, 6), Hojbjerg 6.5; Bale 5 (Sissoko 57, 6), Moura 7, Son 5.5 (Lamela 19, 6); Kane 6.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*