Xaqiiqooyinkii Laga Diiwaangeliyay Kulankii Waalida Ahaa Ee Ay Arsenal Barbareysay West Ham, Laacibkii Garoonka Ugu Fiicnaa & Qiimeynta Ciyaartoyda

West Ham ayaa ku guuldareysatay inay badiso ka dib iyadoo seddex gool ku hogaamineysa kulan Premier League ah markii ugu horeysay tan iyo bishii Septmeber 1998 (3-4 v Wimbledon).

Advertisements

Waa markii labaad ee ay Arsenal barbareyso seddex gool oo lagu hogaaminayo kulan Premier League ah, kulanka kale ee taariikhdooda ay sidaan sameeyeen waxay aheyd bishii Janaayo 2017 iyagoo la ciyaarayay Bournemouth (3-3).

West Ham ayaa kaliya badisay hal kulan oo ka mid ah 11kii kulan ee ugu danbeeyay ee ay la ciyaareen Arsenal horyaalka Premier League (3 barbaro, 7 guuldarro), iyagoo ku guuldareystay inay badiyaan afartii kulan ee ugu danbeysay labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay horyaalka.

Xiddiga West Ham Jesse Lingard ayaa ka dhaliyay Arsenal goolkiisii shanaad tartamada oo dhan, iyadoo Gunners ay noqotay kooxda uu goolasha ugu badan ka dhaliyay waayihiisa ciyaareed.

Advertisements

Jesse Lingard ayaa gool dhaliyay islamarkaana caawiye ka noqday hal kulan oo Premier League ah markii ugu horeysay tan iyo bishii December 2018, markaasoo uu Man United sidaas u sameeyay kulan ay la ciyaarayeen Cardiff City.

Tomas Soucek ayaa ah ciyaaryahankii ugu horeeyay ee West Ham ee gooldhaliya islamarkaana gool iska dhaliya kulan Premier League ah tan iyo markii uu Frank Lampard sidaas sameeyay kulan ay Leicester kula ciyaarayeen Upton Park bishii November 1998.

West Ham ayaa ah kooxdii ugu horeysay ee labo gool iska dhalisa hal kulan oo Premier League ah tan iyo Swansea oo sidaas sameysay bishii Janaayo 2017 iyagoo sidoo kale la ciyaarayay Arsenal.

Xiddiga Arsenal Alexandre Lacazette ayaa dhaliyay goolkiisii 11aad ee Premier League ee xilli ciyaareedkan, waana in ka badan hal gool intii uu dhaliyay xilli ciyaareedkii hore oo dhan.

Waa kulankii seddexaad ee Premier League ee xilli ciyaareedkan ee koox seddex gool hogaanka ku heysa ay ku guuldareysato inay badiso waxay sidoo kale dhacday kulamadii West Brom 3-3 Chelsea iyo Tottenham 3-3 West Ham, xilli ciyaareed kale oo ay sidaan oo kale dhacday waxay aheyd 2010-11.

XIDDIGA GAROONKA – CALUM CHAMBERS

Chambers wuxuu ahaa mid aan la celin karin maanta garabka midig. Aaron Cresswell ayaa daafaca Arsenal siiyay waqti fiican iyo boos banaan.

Laakiin sideedii karoos ee uu Chambers soo dhigay waxay ahaayeen halis, wuxuu abuuray seddex fursadood oo in ka badan inta uu sameeyay ciyaaryahan kale oo Arsenal ah xilli ciyaareedkan.

QIIMEYNTA CIYAARTOYDA

West Ham: Fabianski (7), Cresswell (7), Coufal (6), Diop (7), Dawson (5), Rice (6), Soucek (6), Bowen (7), Lingard (7), Benrahma (6), Antonio (6)

Bedel: Noble (N/A), Fredericks (N/A)

Arsenal: Leno (6), Tierney (7), Mari (5), Chambers (8), Luiz (5), Partey (5), Xhaka (5), Saka (6), Odegaard (7), Aubameyang (4), Lacazette (7)

Bedel: Smith Rowe (N/A), Pepe (N/A), Martinelli (N/A)

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*