“Wuu Noqon Doonaa Jawaabta Laakiin Hazard Ma Bedeli Doono Ronaldo Taasi Waa Hubaal, Gool Dhaliye Kale Ayay U Baahan Yihiin” – Real Madrid Oo Runta Lala Wadaagay.

Advertisements

Tababarihii hore ee kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa shaaca ka qaaday war aysan ku farxin jamaahiirta Real Madrid isaga oo si cadaan ah saxaafada ugu sheegay in saxeexooda cusub ee Eden Hazard uusan awood u lahayn buuxinta booskii uu baneeyay Cristiano Ronaldo.

Marka laga yimaado inuu Wenger waraysigan aad ugu amaanay Hazard oo uu ku sheegay ciyaartoy khaas ah hadana waxa uu aaminsan yahay inuusan buuxinayn booskii Ronaldo oo cel-celis ahaan xilli ciyaareedkii 50 gool usoo dhalinayay Los Blancos.

Image result for Wenger bein sports

Su’aalo badan ayaa xilli horeba dul hoganayay Hazard kaas oo hore u waayay inuu soo min guuriyo qaab ciyaareedkiisii wanaagsanaa ee uu Chelsea kaga soo muuqan jiray.

Laakiin kaddib markii uu ku fashilmay inuu wax gool ama caawin ah sameeyo shantiisii kulan ee ugu horreeyay ee kooxda, Hazard ayaa caawin iyo goolba kasoo sameeyay kulankii ay guusha 4-2 ah ka gaadheen Granada.

Si kastaba, Wenger oo haatan ka faaloonaya arrimaha Hazard ayaa sheegay in Madrid ay u baahan doonto saxeexa gool dhaliye kale isagoo dhinaca kale sheegay in wanaaga Hazard aysan wali helin Real balse ay dhawaan heli doonto.

“Arsene ayaa yidhi “Isagu waxa uu noqon doonaa jawaabta laakiin maaha bedelista Ronaldo taasi waa hubaal, Isagu 50 gool ma dhalin doono sanadkii sababtoo ah taasi waa sida ay haatan u ciyaaraan kubadda cagta”.

“Real Madrid gool dhaliye kale ayay uga baahan yihiin sababtoo ah Benzema waa 32 jir haatan haddii ay qof ka yar hareerihiisa ku haysan lahaayeena oo goolal dhaliya malaha si aad u wanaagsan ayay samayn kari lahaayeeen”.

Advertisements

“Eden Hazard waa ciyaartoy khaas ah oo fursadaha abuura wakhtiyada qaarna kubadda dhammaystira marka uu u baahdo kulamada waaweyn”.

“Isagu qofna kama baqo, Uma malaynayo in Real ay wali aragtay Hazard-ka dhabta ah, Isagu jidh ahaan uma diyaarsana sida uu u diyaarsanaan karayo, Taasi waa sababta aan u aaminsanahay inay Hazard-ka dhabta ah daaha uga qaadi doonaan”.

Comments are closed.