Waa Kuma Da’yarka Man United Ee La Tilmaamay Inuu Booska Shaxda Liverpool Kala Bixi Lahaa Kabtan Jordan Henderson?

Advertisements

Xiddigii hore ee kooxda Tottenham ee Jamie O’Hara ayaa dhiibtay aragtidiisa ah sida uu da’yarka Manchester United ee Scott McTominay booska ugala bixi lahaa kabtanka kooxda Liverpool ee Jordan Henderson haddii uu Anfield joogo.

Henderson waa mid kamida xiddigaha asaasiga ka ah shaxda Jurgen Klopp halka McTominay oo xilli ciyaareedkan booskiisa Manchester helay uu qaab ciyaareed aad u weyn soo bandhigayay toddobaadyadii ugu dambeeyay.

Image result for McTominay"

O’Hara oo haatan u warramayay TalkSport ayaan ka gaban dhiibashada aragtidiisa ah sida uu McTominay uga wanaagsanaan doono Henderson dhawaan ee uu booskiisa Liverpool ugala bixi lahaa.

Jamie ayaa yidhi “Isagoo 22 sano jir ah aniga ahaan waa kabtanka mustaqbalka ee Manchester United, Xaqiiqdii waxaan filayaa inuu sidaas u wanaagsan yahay”.

Advertisements

“Waxaan filayaa inuu soo galayo shaxda Liverpool, Eeg, Waxa laga yaabaa inuusan kulan kasta ciyaareen laakiin waxaan filayaa inuu soo galayo shaxda Liverpool marka loo eego khadka dhexe ee ay haystaan”.

“Waxaan filayaa inuu u wanaagsan yahay sida Henderson waxaanan filayaa inuu ka wanaagsanaan doono Henderson, Aragtidayda haddii ay Liverpool haysan lahayd McTominay wuu ciyaari lahaa, Laga yaabaa inuusan ciyaareen toddobaad kasta balse qayb weyn ayuu doorkooga ka noqon lahaa”.

 

One response to “Waa Kuma Da’yarka Man United Ee La Tilmaamay Inuu Booska Shaxda Liverpool Kala Bixi Lahaa Kabtan Jordan Henderson?”