Wixii Sababay Inuu Dembele Ku Dhex Suuxo Tababarkii Shalay Oo La Shaaciyay & Muuqaalka Isagoo Dhacaya Oo La Soo Bandhigay

Moussa Dembele ayaa cabsi geliyay ciyaartoyda iyo shaqaalaha tababarka Atletico Madrid ka dib markii uu ku dhex suuxay tababarkii shalay oo Talaado aheyd.

Advertisements

Shaqaalaha tababarka Atletico ayaa u kala orday xiddiga reer France markii uu dhulka ku dhacay islamarkaana ay lugtii bilowday inay gariiro, cabaar uu suuxsanaa ka dib ayuu soo kacay isagoo awood u yeeshay inuu istaago isagoo aan la caawineynin.

Baaritaano ayaa lagu sameeyay si loo ogolaado waxa sababay inuu suuxo iyadoo dhakhaatiirta Atletico Madrid ay sheegeen in cadaadiska dhiigiisa uu hoos u dhacay taasoo sababtay inuu suuxo islamarkaana laga saaro tababarka.

24 jirkaan weerarka ka ciyaara ayaa baaritaano kale oo caafimaad mari doonaa iyadoo Atletico Madrid ay sheegtay in si dhow loola socda xaaladiisa caafimaad oo la hubinayo mar walba.

Markii uu suuxayay waxaa qaabatay kaamirada madaama tababarkii shalay ee Atletico Madrid loo ogolaa warbaahinta, xilligii ay dhacdadu dhacday waxay aheyd xilli ay warbaahinta sii baxeysay.

Daawo Qaabkii Uu U Dhacay Dembele

Moussa Dembele ayaa amaah uga soo maqan kooxda Faransiiska ee Lyon laakiin weli fursad kama uusan helin Atletico Madrid tan iyo markii uu yimid bishii Janaayo.

Wuxuu ku guuldareystay inuu xitaa hal kulan ku soo bilowdo shaxda Atletico ama dhaliyo gool mararka badan ee uu bedelka ku soo galay.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*