Willian Oo Sharraxay Sababta Uu Isaga Diiday Dalabkii Kaga Yimid Barcelona & Kooxda Uu Mar Walba Taageerada U Yahay.

Advertisements

Weeraryahanka Chelsea Willian ayaa shaaca ka qaaday inuu iska diiday dalab kaga yimid Barcelona sababtoo ah inuu xasil ku dareemayay kooxda Chelsea, sidoo kalana wuxuu albaabada u furay inuu dib ugu laaban doono dalkiisa Brazil.

Kadib dhacdadii koobka Adduuka 2018, waxaa soo baxay warar badan oo sheegaya in Barcelona ay xiiso u qabto xiddigii hore Shakhtar Donestk, balse dalabyadii ay kooxda reer Catalonia gudbisay waa laga soo diiday.

Willian wuxuu hadda ka mid yahay ciyaartoyda sida joogtada ah loo adeegsado, si fiican ayuuna u saaciday kooxda dhalinyarada u badan uu maamulayo Frank Lampard.

“Dalabka dhabta ah waxaan ka helay Barcelona, sanadkii hore kadib koobka adduunka” ayuu yiri Willian oo la hadlayay DAZN series Saudade.

“Dhabtii Balaugrana dalab ayey usoo gudbisay Chelsea, balse waa laga diiday”

“Waxaa jiray kaliya hal wakhti oo macquul ah inaan arrimahaas oo kale ka hadlo qoyskeyga, walow ay jeclaadeen nolosha London, sidaas darteed waxaa jiray waxyaabo badan oo iga caawiyay inaan sii joogo”

Dhinaca kale Willian wuxuu ka dhawaajiyay inuu jeclaan lahaa dib ugu laabashada wadankiisa, wuxuuna soo bandhigay jaceylka uu u qabo kooxda Corinthians.

Advertisements

“Hadii aan ku laabanayo Brazil, waxaan jeclaan lahaa inaan u ciyaaro Corinthians”

“Wax badan ayey iiga dhigan tahay, waa meeshaan ku dhashay kuna barbaaray, kasoo bilaabay waayaheyga kubadda cagta anigoo 9-jir ah, wakhtigeyga caruurnimada dhan iyaga ayaan ku qaatay”

Comments are closed.