Wiilka Cusub Ee Chelsea Kai Havertz Oo Lagu Maadeystay Ka Dib Markii Uu Sameeyay Baaskii Ugu Xumaa Ee Xilli Ciyaareedkan (Daawo Muuqaal)

Advertisements

Kai Havertz ayaa waxaa si weyn ugu maadeystay taageerayaasha kooxaha kale ka dib markii uu qalad weyn sameeyay intii ay socotay kulankii ay Chelsea 3-1 kaga badisay Brighton.

Xiddigaan laga soo bixiyay 72 milyan ginni ayaa kooxda Chelsea tababar la qaadanayay kaliya 10 maalmood isagoo lagu soo bilaabay kulankii Blues ee ka dhacay garoonka Amex Stadium.

21 jirkaan ayaa lagu soo bilaabay booska ka danbeeya saxiixa kale ee cusub Timo Werner laakiin waxa uu ku dhibtooday inuu saameyn weyn ku yeesho ciyaarta si la mid ah xiddiga ay isku wadanka yihiin Timo Werner kaasoo rigoore ku guuleystay islamarkaana wacdarro dhigayay intii ay ciyaarta socotay.

Advertisements

Havertz ayaa qalad baas oo lagu qoslo sameeyay daqiiqadii 52aad ee ciyaarta xilli uu isku dayayay inuu kubada dhigo garabka kale, taasoo keentay in looga maadeysto baraha bulshada.

Iyadoo Chelsea ay 1-0 ku hogaamineyso ciyaarta, xiddigii hore ee Bayer Leverkusen ayaa isagoo aan cadaadis ku hoos jirin wuxuu kubada u saaray foori kacan ka dib baas uu si xun u qalday.

Taageerayaasha kooxaha kale ayaana bilaabay inay ku maadeystaan, iyadoo mid uu soo qoray: “Mar kale iigu celiya imissa ayaa laga soo bixiyay ninkaan?”

Taageere kale ayaa soo qoray: “Havertz wuxuu ka soo tagay isago sida Ozil u ciyaaraya, wuxuuna u gudbay inuu kubada u baaso Ozil”

Taageere seddexaad ayaa soo qoray: “Pogba iyo Henderson waa lagu gowracay qaladkaan oo kale.”

Tababaraha Chelsea Frank Lampard ayaa ka cafiyay saxiixiisa cusub qaladka uu sameeyay isagoo sheegay inay wax badan ka soo socdaan saxiixa cusub.

Wuxuu yiri: “Waan jeclaaday qaab ciyaareedkiisa. Ma aheyn kulan aad kala soo laaban karto 10 waxyaabood oo cajiib ah laakiin waxaa jiray waqtiyo uu tayo fiican soo bandhigay iyo deganaansho.

“Waa adag tahay inuu si dhaqso ah u saldhigto, wuxuu imaaday horyaal cusub, wuu da’ yar yahay, cadaadis badan ayaa garbaha ka saaran”

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

5 Fekradood

  1. In Flopp Lagu Noqdo Chelsea Wax Cusub Maaha O Waa Wax Soo Jireyn Ah Xirada Flopp Yada Waye Lakiin Mushaarkoda Ha Iska Gurtaano.

  2. Fikirka an qabo lacagta umaqalmo lagasobixiyay runtii khasatan marka ad firiso qab ceyarrdkisa ama jidh ahan awood badan malaha wayo premier League awood ayad ubahantahay

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*