WER-WER: Mid Kamida Xiddigaha Laf-Dhabarta U Ah Chelsea Oo Kulamada Caalamiga Ah Ku Dhaawacmay & Haddii Uu Champions League Seegayo

Khadka dhexe ee kooxda Chelsea ee N’Golo Kante ayaa gabi ahaanba laga saaray liiska xiddigaha xulka qarankiisa uga qayb gelaya labada kulan ee ka hadhsan wajiga koowaad ee isreeb-reebka koobka aduunka 2022 kaddib dhaawac ku gaadhay kulankii Ukraine ee habeen hore.

Advertisements

Kante ayaa dhaawac ka gaadhay muruqa daqiiqadihii ugu dambeeyay ee ciyaartii ay Les Bleus bar-bardhaca 1-1 ka ah soo galeen taas oo dhalisay in dib loogu diro London.

Dhawaan ayay ahayd markii warbixin rasmi ah uu xulka French-ku ku xaqiijiyay dhaawaca Kante iyo noociisa iyadoo dib loogu diray Chelsea oo ku samayn doonta daawaynta kasoo kabashada dib u dhacaas.

Kante ayaan la filayn inuu kaliya seego labada kulan ee soo socda ee France ay ka ciyaari doonaan Group D ee kala ah Kazakhstan iyo Bosnia balse waxa uu sidoo kale ciyaaro ka maqnaan karaa kooxdiisa Chelsea.

Advertisements

Warkaas oo kale ayaa ah mid wer-wer weyn ku abuuraya tababare Thomas Tuchel xilli ay Chelsea gelayso kulamo badan oo xidhiidh ah oo kala ah kuwo maxali ah iyo kuwo Yurub ah labadaba.

Chelsea ayaa kusoo laaban doonta garoomada Sabtida 3-da April ku beegan iyaga oo Stamford Bridge kusoo dhawayn doona kooxda ka cararaysa inay heerka labaad u dhacdo ee West Bromwich Albion.

Intaas kaddib Blues ayaa haddana booqanaya dhigeeda FC Porto kulanka lugta koowaad ee wareega siddeed dhammaadka Champions League oo ay Estadio Do Dragao marti ku noqon doonaan.

Advertisements

 

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*