Weeraryahannadii Ugu Halista Badnaa Horyaalka Premier League Oo La Shaaciyey, Aguero Oo Garaacay Henry Iyo Bruno Fernandes Oo Ku Jira

Sergio Aguero ayaa noqday weeraryahankii ugu halista badnaa ee soo maray horyaalka Premier League, waxaanu ka horreeyaa halyeygii Arsenal ee Theirry Henry oo kaalinta labaad ku jira.

Advertisements

Xiddiga reer Argentina ayaa Manchester City u dhaliyey 180 gool oo horyaalka Premier League ah, laakiin xili ciyaareedkan iyo qayb ka mid ah xilli ciyaareedkii hore ayuu u jiifay dhaawacyo kusoo noqnoqday oo uu ugu dambayntii kasoo kacay.

Tobankii sannadood ee uu joogay Etihad Stadium, Sergio Aguero ayaa isku qoray taariikhda kooxda oo uu noqday ciyaartoygii ugu goolasha badnaa, balse waxa suurtogal ah in cimrigiisa Etihad uu soo dhamaado dhamaadka xili ciyaareedkan oo uu ku eg yahay heshiiskiisu, inkasta oo ay jiraan warar sheegaya in laga yaabo inuu qandaraaska kordhiyo.

Saddex ciyaartoy oo kaliya ayaa taariikhda horyaalka Premier League ka goolal badan Sergio Aguero, waana Alan Shearer, Wayne Rooney iyo Andy Cole.

Advertisements

Shearer oo dhaliyey 260 gool ayaa haysta rikoodhka goolasha ee horyaalka, laakiin marka la eego daqiiqadaha ay ku qaadatay in uu goolasha ku dhaliyo ayaa aad u badan, waana sababta uu Sergio Aguero kaalinta koowaad kusoo galay.

Sida ay shaacisay shabakadda Transfermarkt, Aguero ayaa hal gool dhaliyey 108 daqiiqadood oo kasta oo uu garoonka ku jiray, waxaana ku xiga Thierry Henry oo inuu gool dhaliyo ay ku qaadatay 122 daqiiqadood, halka Alan Shearar uu soo galay kaalinta 15aad oo 147 daqiiqadood ay ku qaadatay inuu shabaqa taabto.

Harry Kane iyo Mohamed Salah ayaa kaalmaha shanta weeraryahan ee dilaaga ah ka mid noqday, waxaanu Kane hal gool dhaliyey 123 daqiiqadood kasta oo uu ciyaaray iyo Salah oo 127 daqiiqadood ay ku qaadatay inuu shabaqa taabto.

Halkan kaga bogo 25kii weeraryahan ee ugu dilaasanaa horyaalka Premier League, iyadoo laga eegayo daqiiqadaha ay goolasha ku dhaliyeen:

25. Tony Yeboah (162 daqiiqadood gool kasta

24. Loic Remy (160 daqiiqadood gool kasta)

23. Olivier Giroud (159 daqiiqadood gool kasta)

22. Demba Ba (159 daqiiqadood gool kasta)

21. Ian Wright (157 daqiiqadood gool kasta)

20. Michael Owen (153 daqiiqadood gool kasta)

19. Ole Gunnar Solskjaer (151 daqiiqadood gool kasta)

18. Bruno Fernandes (151 daqiiqadood gool kasta)

17. Ivan Klasnic (150 daqiiqadood gool kasta)

16. Zlatan Ibrahimovic (149 daqiiqadood gool kasta)

15. Alan Shearer (147 daqiiqadood gool kasta)

14. Javier Hernandez (147 daqiiqadood gool kasta)

13. Daniel Sturridge (147 daqiiqadood gool kasta)

12. Diego Costa (145 daqiiqadood gool kasta)

11. Gabriel Jesus (142 daqiiqadood gool kasta)

10. Edin Dzeko (141 daqiiqadood gool kasta)

9. Pierre-Emerick Aubameyang (140 daqiiqadood gool kasta)

8. Hernan Crespo (140 daqiiqadood gool kasta)

7. Robin van Persie (139 daqiiqadood gool kasta)

6. Luis Suarez (138 daqiiqadood gool kasta)

5. Ruud van Nistelrooy (128 daqiiqadood gool kasta)

4. Mohamed Salah (127 daqiiqadood gool kasta)

3. Harry Kane (123 daqiiqadood gool kasta)

2. Thierry Henry (122 daqiiqadood gool kasta)

1. Sergio Aguero (108 daqiiqadood gool kasta)

Advertisements

1 Fekrad

  1. Waa ku beentaas!
    Oo hada ma waxad noo sheegeysaan in Giroud uu ka halis badnaa Rooney, C. Ronaldo, Drogba, Eric Cantona, Kanu iyo rag badan oo liiska ka maqan!

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*