Way Bilaabantay!! Madaxweynaha Cusub Ee Barca Oo Dagaal Ku Qaaday Real Madrid, Alaba Oo Uu Ka Hor Qaadanayo & Haaland Oo Ku Xiga

Real Madrid  iyo Barcelona ayaa isku faro saaraya dagaal suuqa ah, waxaanay iskugu muruaxsanayaan labada ciyaartoy ee David Alaba oo hore ay Real Madrid qarka ugu saarnayd saxeexiisa iyo Erling Haaland.

Advertisements

Madaxweynaha cusub ee Barcelona ee Joan Laporta ayaa bilaabay dedaal uu dib ugu dhisayo kooxda, waxaana uu kulan la yeeshay wakiillada Alaba si uu ugu qanciyo in laacibkani uu kusoo biiro kooxdaas, iyadoo uu u sheegay in booskiisu diyaar yahay oo uu si joogto ah u ciyaari doono.

Laakiin Real Madrid oo hore loo wariyey inay heshiis afka ah lasii gaadhay laacibkan markii uu shaaciyey inuu ka tegayo Bayern Munich dhamaadka xilli ciyaareedkan oo uu ku egyahay qandaraaskiisu, ayaa waxa hadda hawlgal bilaabay Joan Laporta oo isku dayay inuu saxeexa laacibkan ku garaaco Real Madrid.

Horraantii toddobaadkan, waxa uu Laporta la kulmay Pini Zahavi iyo Fali Ramadani oo ah wakiillada Alaba, waxaanay iska heleen caasimadda gobolka Catalonia ee Barcelona.

Advertisements

Waqtigii ololaha doorashada ayuu Laporta ku ballanqaaday inuu dib u dhisi doono kooxda si la mid ah sannadkii 2003 markii uu kooxdan madaxda u noqday ee uu kusoo ururiyey xiddigaha waaweyn.

Wargeyska AS ee kasoo baxa waddanka Spain ayaa qoray in Erling Haaland uu isagana u dhaqaaqayo Joan Laporta marka la gaadho xagaaga soo aaddan, haddii ay u suurtogeli weydana uu sannadka dambe usii diyaarsan doono dhaqaale uu kula soo wareego.

Labadan ciyaartoy ayaa ku jira liiska xiddigaha safka hore ee Real Madrid ay doonayso, waxaana damaca Laporta uu uga dhigan yahay Los Blancos dagaal uu Laporta ku qaaday Florentino Perez oo hadda lagu qabsanayo xiddigihii u calaamadsanaa.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*