“Waxaan Noqonayaa Mid Jila Filimaanta Anshaxa Xun” – Xiddig Tottenham Usoo Ciyaaray Oo Hammigiisii Aflaamta Xun-Xun Shaaca Laga Qaaday.

Advertisements

Tababarihii hore ee kooxda Tottenham ee Clive Allen ayaa shaaca ka qaaday sheeko dhex martay isaga iyo daafacii bidix ee kooxdaas ee Benoit Assou-Ekotto kaas oo u sheegay hammigiisii ahaa jilitaanka aflaamya anshax xumada ah.

Daafacii hore ee xulka Cameroon ayaa mudo dheer usoo ciyaaray Spurs waxaana uu kasoo tirsanaa sanadkii 2006 ilaa 2015 isagoo sidoo kale soo matalay kooxda Queens Park Rangers.

Wakhtigiisii horyaalka Premier League ayuu Assou-Ekotto sharaf iyo sumcad weyn ku helay hanaankiisa ciyaareed isaga oo xataa mar qirtay inuu kubadda cagta u arkayay shaqo uu ku shaqaysanayo balse uusan xamaadad iyo xiiso usoo gelin.

Allen, Weeraryahankii hore ee England oo wakhti Ekotto ka tababare ahaan ugala soo shaqeeyay Tottenham ayaa buug uu qoray oo la yidhaa “Up Front” shaaca kaga qaaday wada sheekaysi dhex maray isaga iyo Assou-Ekotto.

Sida buuga ku qoray markii uu Allen weydiiyay Assou-Ekotto waxa uu qorshaystay inuu noqdo kaddib xirfadiisa kubadda cagta ayuu xiddigan hore ku jawaab celiyay “Waxaan filayaa inaan noqon doono xiddig aflaamta xun xun ah”.

Allen oo sheekada sii wada ayaa yidhi “Waxa uu ahaa mid dagan, ‘Maya, Xaqiiq ayaa sheegayaa, Maxaa diidaya” Ayuu markale Assou-Ekotto yidhi.

Advertisements

“Maan garanayn waxaan idhaahdo, Waxaan isku dayay inaan sii caddeeyo ‘Benoit (Assou-Ekotto ) marka aad samayso filimkaaga ugu horreeya, Ticket ayaan u doonayaa bandhiga u horreeya”.

“Muu garan inaan kaftamayay wuxuuna yidhi ‘Tababare dhib malaha gabi ahaanba”.

Comments are closed.