“Waxaan Joojinay Inaan Ciyaarno, Waxaan Joojinay Inaan Nafteena Aaminno”

Advertisements

Weeraryahanka Ac Milan Zlatan Ibrahimovic ayaa saaxiibadiisa kooxda ku eedeeyay iney aamini waayeen naftooda, sidoo kalana ay lumiyeen tamartii kulanka kadib markii 4-gool laga dhaliyay qeybta labaad kulankii Milan Derby ee xalay ka dhacay San Siro.

38-jirkaan heerka caalami ayaa si fiican ula falgalay kulankii xalay intii lagu jiray qeybtii hore, wuxuu caawiyay goolka furitaanka ee Ante Rebic uu dhaliyay daqiiqadii 40-aad, inyar kadib wuxuu madax ku dhaliyay goolka labaad ee kooxdiisa.

Si kastaba Inter qeybtii labaad ayey wacdaro dhigtay sideed daqiiqo iyadoo socota ayey laba gool oo is xigay dhaliyeen Marcelo Brozivic iyo Matias Vecino, waxaana laba kale raacsaday Stefan de Vrij iyo Romelu Lukaku.

“Waa wax adag in la sharaxo wixii dhacay” ayuu Zlatan Ibrahimovic u sheegay Sky Sports Italia isagoo careysan kadib dhamaadka ciyaarta.

“Waxaan isku sheegnay wakhtigii nasiinada inaan 15-ka daqiiqo ee ugu horreeya adkeyno daafaca dambe maadaama ay sheeko xasaasi ah jirto, balse daqiiqadahaas 2-gool ayaa nalooga dhaliyay”

Advertisements

“Waxaan joojinay inaan ciyaarno, waxaan joojinay inaan aamino nafteena, waxaan joojinay inaan cadaadis la imaano, si fiican uma aanan baasin, laga soo bilaabo markii ay barbaraha la yimaadeen wax walba wey hoobteen”

Si kastaba Inter Milan ayaa haatan heysa hogaanka horyaalka Serie A-da kadib guushii ay xalay ka gaartay Milan, waxeyna farqiga goolasha kaga heysaa difaacdayaasha tartanka Juventus oo ay min 54-dhibcood heystaan.

Comments are closed.