Waxaa Macalin U Ahaa Dennis Berkamp, Wuxuu Saaxiib La Yahay Gabadha Bergkamp, Waxaana Ku Dagaalamaya Man United & Real Madrid

Xiddiga u soo baxay Ajax Donny van de Beek ayaa lala xiriirinayaa inuu u wareegayo Manchester United xagaagan.

Kubadsameeyaha reer Holland oo sidoo kale lala xiriirinayo Real Madrid ayaa wacdarro ka dhigaya horyaalka Holland, waxa uu muhiim weyn u ahaa kooxdiisa Ajax oo gaartay semi-finalka Champions League xilli ciyaareedkiii la soo dhaafay.

23 jirkaan ayaa ah qofka ugu horeeya ee qiranaya inuusan heerkaan soo gaari laheyn haddii uusan ahaan laheyn macalinkiisa Dennis Bergkamp.

Halyeeyga Arsenal ayaa arkay tayada xiddigaan markii uu yaraa ee uu joogay kooxda Ajax iyadoo Van de Beek ay markaas da’diisa aheyd 10 sanno jir.

Bergkamp ayaa ka caawiyay inuu noqday ciyaaryahanka uu maanta yahay.

Mudadaas, van de Beek waxa uu sidoo kale jeclaaday gabadha Bergkamp oo lagu magacaabo Estelle, iyagoo durbadiiba noqday lamaane caan ka ah Netherlands.

Tababarihii hore ee Ajax oo Frank de Boer oo caawiye ka dhigtay Bergkam ayaa mar yiri: “Deniis wuxuu si qiireysan iigala hadlay wiil yar oo ku jiray kooxda da’ yarta.

“Wuxuu ahaa wiil xusuusiyay Dennis shaqsi ahaantiisa markii uu jiray da’daas.

“Taas ayaa ii noqotay tilmaam ah inaan isha ku hayo, wiilkaasna wuxuu ahaa Donny van de Beek.”

Ruben Jongkind oo ahaa madaxii akadeemiga Ajax ayaa sidoo kale ka hadlay sida Bergkamp uu u suuq geyn jiray Donny.

Jongkind ayaa u sheegay Daily Mail: “Bergkamp ayaa ahaa qofkii ugu horeeyay ee arka tayadiisa isagoo 10 sanno jir ah. Wuxuu igu yiri ‘wuxuu noqon doonaa ciyaaryahan weyn.’

“Waxaan ku iri, sideed ku ogaatay, anigu ma arko?”

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*