“Waxaa La Igu Eedeeyay Guuldarada Ciyaar Aanan Dheelin” – Xiddig Arsenal Ah Oo Qaati Ka Taagan Eedeymaha Taageerayaasha

Advertisements

Shkodran Mustafi ayaa sheegay in eedeymaha uu kala kulmayo taageerayaasha Arsenal inay noqdeen kuwa xadka ka baxay iyadoo lagu eedeeyay guuldarooyinka kooxda xitaa marka uusan ciyaareynin.

Daafaca Jarmalka ayaa ku biiray Gunners sannadkii 2016 isagoo heshiis 35 milyan ginni ku yimid kooxda, waxanaa uu durbadiiba noqday xiddiga ku najaxay London isagoo aan guuldarro dhadhaminin 21kiisii kulan ee ugu horeysay ee kooxda.

“Labadii sannadood ee uu horeysay ee markii aan u soo wareegay Arsenal, wax walba waxa ay ahaayeen sida igu fiican. Waxaan isku arkayay xiddig si fiican u ciyaaraya” ayuu Mustafi u sheegay Der Speigel. “Laakiin dhamaadkii sannadkii 2018 waxaa i soo gaaray dhaawac, waxaan sameeyay qaladaad qaar, waxaana wajahay wax aan waligeey khibrad u yeelanin.

“Seddex isbuuc ayaan dhaawac ku maqnaa, waxaana la igu soo bilaabay kulankii Liverpool ee December 2018 anigoon tababar sameynin sababtoo ah tababaraha ayaa ii baahnaa. Waqtiga nasashada ciyaarta waxa ay aheyd 1-4. Si fiican uma aanan dheelin, dhaawac kale ayaana i soo gaaray.

“Wiixii markaas ka danbeeyay, taageerayaasha Arsenal ayaa fariimo xun iigu soo qorayay Instagram iyo Twitter, waxaana la iga qoray maqaalo la igu dhaleeceynayo. Aniga ayaa nafteyda eedeeya waana ogaa inaan qaladaad sameeyay kulankii Liverpool. Sidoo kalena waan aqbali karaa eedeymaha la ii soo jeediyo.

“Laakiin eedeymaha waxa ay noqdeen kuwa xad dhaaf ah. Waxaan noqday bartilmaameed. Waxaan gaaray in xitaa la igu eedeeyo guuldarrada ciyaar aanan dheelin.”

Advertisements

Waxa uu hadalkiisa raaciyay: “Waxaa jiray maalmo aan nafteyda shaki gelinayay. Laakiin waxaan ogaaday inaan maskax ahaan xooganahay.

“Hadal ay xaaskeyga igu tiri ayaa wax badan i caawiyay: ‘Haddii aad u xun tahay sida ay dadku kaa dhigayaan, ma aadan noqoteen mid ku guuleysta Koob Adduun ama mid u ciyaara Arsenal, waxbaa heerkaan ku soo gaarsiiyay.’ Tan iyo markaas waxaan awood u yeeshay inaan xamilo eedeymaha.”