“Waxa Iga Go’nayd Inaan Iskaga Tago Chelsea, Waxaanan U Dhowaaday Inaan Heshiis U Saxeexo …”

Advertisements

Weeraryahanka reer France ee Olivier Giroud ayaa shaaciyey inuu qarka u saarnaa inuu iskaga tago Chelsea suuqii jiilaalka ee dhowaa, isla markaana uu dhowaa inuu u saxeexo koox kale oo horyaalka Premier League ka dhisan oo waliba uu xafiiltan magaalaysani ka dhaxeeyo Blues.

Olivier Giroud oo heshiiskiisa Chelsea uu ku ekaa xagaagan, ayaa waxa uu ogolaaday inuu saxeexo sannad kale oo qandaraas kordhin ah, ayaa waxa uu mar kale ku dhowaaday inuu ku biiro koox kale oo reer London ah oo xafiiltan weyni ka dhexeeyo Chelsea iyo Arsenal labadaba.

Weeraryahanka reer France oo waraysi bixiyey ayaa waxa uu xaqiijiyey wararkii suuqa ku jiray ee sheegayay inuu ka tegayo Chelsea ka hor intii aanu qandaraaska kordhin, waxaanu yidhi: “Saddexdii maalmood ee ugu dambeeyey suuqa iibka, waxa aan joogay xafiiska tababaraha si aanu u helno xal. Waxa aan rajaynayay in Chelsea ay heli doonto ciyaartoygii i beddeli lahaa.

Advertisements

“Aniga dhinacayga, xalku muu ahayn miud la la’ yahay: Waxa aan ku dhowaa inaan u saxeexo Lazio, Inter… Xataa waxa iga go’nayd inaan tago, waxaanan ku dhowaaday inaan u saxeexo Tottenham.”

Giroud ayaa ku jiray kaydka kulankii furitaanka horyaalka Premier League ee kooxdiisu ay la yeeshay Brighton Axaddii, waxaana booska kala baxay Timo Werner oo ay lasoo saxeexdeen xagaagan, waxaanay taasi kordhinaysaa wararkii suuqa ku jiray toddobaadyadii ugu dambeeyey ee sheegayay inuu wali kusii jeedo Talyaaniga.

Advertisements
Advertisements

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*