Wariye Spain U Dhashay Oo Kashifay Tababare Ay Maamulka Arsenal La Xiriireen Si Uu Badal Ugu Noqdo Unai Emery – Waa Midkee?

Advertisements

Tababare Unai Emery ayaa loo badinayaa inuu dhamaaday wakhtigiisa garoonka Emirates Stadium maadaama uu la kulmay natiijooyin aan qurux badneyn tan iyo bilowga fasal ciyaareedkaan, hadal heynta ayaana sii xoogeysatay kadib markii kooxda ka dhisan waqooyiga London ay guuldaro kala kulantay Leicester City kulan ka dhacay garoonka King Power Stadium kana tirsan koobka horyaalka Premier League.

Arsene Wenger ayaa isaga tagay shaqada Gunners bartamahii 2018, waxeyna jamaahiirta sugayeen inuu imaan doono tababare ka wanaagsan oo soo celiya wakhtigii wacnaa ee kooxda, balse isbarbardhig lagu sameeyay 50-kii kulan ee ugu dambeeyay Wenger iyo 50-ka kulan ee ugu horreeya Unai Emery kulamada horyaalka, waxaana soo baxday natiijo uu hal dhibic badan yahay macalinkii hore reer France.

Si kastaba, waxaa la sugi doonaa go’aanka ay gaaraan maamulka kooxda kuwaas oo laba ka mid ah xalay ay daawanayeen wixii ka dhacay King Power Stadium, lamana oga hadii ay magacaabi doonaan badalka Unai Emery ka hor ama kadib kulamada fasaxa ama hadii ay sii aaminayaan isaga.

Wariye ka tirsan barnaamijka El Chringuito laguna magacaabo Kike Marin ayaa qiray in Raül Sanllehí uu durba la xiriiray tababarahii hore Barcelona Luis Enrique kaas oo dhawaan iska casilay xilkii xulka qaranka La Roja.

Dood badan ayaa ka imaan doonta hadii Luis Enrique uu yahay midkii ku haboonaa Gunners, marka laga tago guulahii uu ku gaaray Balaugrana, macalinkaan wax la taaban karo kama sameyn kooxaha Roma iyo Celta Vigo, balse wakhtigiisa Barcelona wuxuu hantay saddexley koobab ah isagoo maamulaya ciyaartoy miisaan leh.

Advertisements

Dad badan ayaa aaminsan in Luis Enrique uusan laheyn awood uu ku maamulo Gunners oo ku jirta marxalad nuucaan ah, kaliyana wuxuu guulo la gaaray ciyaartoy uu tababare walba guulo la gaari lahaa (Lionel Messi, Luis Suarez iyo Neymar Junior) oo loo aqoonsaday saddexleyda ugu qatarsan kubadda cagta ee isku baheystay hal koox qarnigaan.

49-jirkaan wuxuu ku mashquulsanaa waayahii dambe xanuunka gabadhiisa yar oo cudurka kansarka u geeriyootay bishii August ee kal hore, lamana oga hadii uu mar dhaw kusoo laabanayo garoomada kubadda cagta.

One response to “Wariye Spain U Dhashay Oo Kashifay Tababare Ay Maamulka Arsenal La Xiriireen Si Uu Badal Ugu Noqdo Unai Emery – Waa Midkee?”

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

*