Wariye Fabrizio Romano Oo Ka Warbixiyay Xaaladda Aan Dhinac U Dhicin Ee Kai Havertz – Maxaa Soo Kordhay?

Advertisements

Chelsea ayaa si aad ah u dooneysa da’yarka reer Jarmal Kai Havertz kaas oo doonaya inuu isaga tago kooxdiisa, waxeyna hammineysaa iney ku lamaaniso Hakim Ziyech iyo Timo Werner oo ay xagaagan soo iibsadeen.

Kai ayaa fasalkaan ku lug yeeshay in ka badan 20-gool dhamaan tartamada oo dhan wuxuuna soo jiitay kooxda Blues oo dooneysa iney lasoo saxiixato.

Iyadoo ay taasi jirto hadana xaaladiisa wali dhinac uma dhicin, wariyaha aadka loo xushmeeyo ee reer talyaani (Fabrizio Romano) ayaa bartiisa twitter-ka uga warbixiyay halka ay mareyso arrinta xiddigaan.

Advertisements

Fabrizio wuxuu xaqiijiyay ineysan jirin wax shaki ah oo la galinayo inuu xiddigaan matalo Bayer Leverkusen tartanka Europa League oo ay wali baaqi ku yahiin, sidoo kale wuxuu soo bandhigay in kooxdiisa ay ku dooneyso lacag dhan 100 Malyan oo Pound.

Qoraalka wariyaha oo sii socda wuxuu ku sheegay in Blues ay dooneyso kaliya iney 80 Malyan oo dalab ah ka gudbiso iyadoo raacineysa gunnooyin, inkastoo aysan wali gudbin wax dalab ah.

Wax heshiis ah labada kooxood ma gaarin, balse wadahadalo ayaa u socda iyadoo Kai Havertz uu kooxdiisa ku riixayo in la iibiyo.

Sida muuqata ma jirto koox Blues ku ciriirineysa saxiixa xiddigaan tayada wanaagsan, waxaana la sugi doonaa wixii dhaca maalmaha soo socda.

Advertisements
Advertisements
Laacib.net

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*