Wariye Carbeed Oo Florentino Perez Weydiiyay Su’aal La Xiriirta Paul Pogba & Jawaabtii Uu Bixiyay Oo Inkiraad Noqotay.

Advertisements

Madaxweynaha kooxda Real Madrid Florentino Perez ayaa wareysi laga qaaday kadib kulankii ay wiilashiisa guusha ka gaareen Atletico Madrid lagu weydiiyay Paul Pogba, balse wariyaha waa lagu kaftamay maadaama la inkiray jiritaanka xiddiga reer France.

Florentino Perez wuxuu xalay ku sugnaa magaalada Jeddah, wuxuuna daawaday kulankii ay Real Madrid rigooreyaal kaga qaaday koobka Supercopa de Espana dhigooda Atletico Madrid, kadib kulanka ayuuna wareysi siiyay saxaafada carbeed.

“Ma garanayo cidda uu yahay Paul Pogba” ayuu yiri Florentino Perez ka hor inta uusan u dhoola cadeyn wariyihii su’aasha weydiiyay.

Real Madrid ayaa si weyn loola xiriirinayay mudooyinkii laga soo gudbay xiddiga reer France, waxaana dhawr jeer isku dayay Zinedine Zidane oo aad u jecel hanaankiisa, balse Red Devils ayaa gabi ahaan diiday iney iibiso.

Madrid waxaa usoo baxay wiil yar oo loogu yeero Fede Valverde oo ka mid noqday xiddigaha ugu muhiimsan safka uu doorto mar walba tababare Zidane.

Advertisements

Xiddiga reer Uruguay wuxuu sameeyay kulankii Atletico Madrid ficil ay u riyaaqeen jamaahiirta Los Blancos maadaama Alvaro Morata ka hor istaagay inuu goolka guusha u dhaliyo kooxdiisa, sidoo kalana waxaa loo doortay xiddigii tartanka.

Perez wuxuu wiilka yar u bixiyay “Shimbirtii yareyd” wuxuuna aaminsan yahay inuu sanadaha soo aadan noqon karo kuwa ugu waaweyn ee kooxda u ciyaaray.

Leave a Reply

Your email address will not be published.