Wargeyska BILD Oo Kashifay Jawaabta Ay Bayern Munich Siisay Markii Uu Lasoo Xiriiray Arsene Wenger & Qofka Uu Talefoonka Usoo Diray Oo La Ogaaday.

Advertisements

Bayern Munich ayaa la fahamsan yahay iney iska diiday codsi gaar ah oo uga yimid tababarahii hore Arsenal Arsene Wenger kaas oo la sheegay inuu taleefoonka kasoo wacay mid ka mid ah shaqsiyaadka ugu sarreeya kooxda ka dhisan Jarmalka, waxeyna warbixinta sheegeysaa inuu ka dalbaday maamulka inuu la wareego shaqada kooxda maadaama ay iska ceyriyeen Niko Kovac.

Kooxda Bavaria lagu neynaaso ayaa iska ceyriyay macalinkoodii hore kadib markii ay guuldaro xasuuq ah kala kulmeen Frankfurt kulan ka tirsan horyaalka Bundesliga, waxeyna warbaahinta inta badan qoreen in macalinka reer France uu ku jiro liiska macalimiinta ay kooxdaan isha ku heyso.

Si kastaba wargeyska BILD oo lagu tiriyo kuwa ugu waaweyn yurub ayaa ka dhawaajiyay in Arsene Wenger uu taleefoonka gacanta kasoo wacay gudoomiyaha kooxda isal markaana ka codsaday in loo dhiibo shaqada kooxda Bayern Munich, balse sida uu wargeyska ka wareystay ilo ku dhaw kooxda oo aan la magacaabin, lama siinin Arsene Wenger jawaab u qalanta.

“Arsene Wenger ayaa soo wacay gudoomiye Karl-Heinz Rummenigge galabnimadii arbacada, wuxuuna u qishay xiisahiisa ah inuu tababaro Bayern Munich” ayuu yiri shaqsi ku dhaw kooxda oo aan magaciisa la sheegin balse BILD ay arintaas wax ka weydiisay.

“Bayern xushmad badan ayey u heysaa shaqadii uu Arsene Wenger kasoo qabtay London, gaar ahaan Arsenal, balse maahan dooqa tababare ee FC Bayern Munich”

Advertisements

Si kastaba Arsene Wenger wuxuu doonayaa inuu garoomada kubadda cagta kusoo laabto muddo laba sano ku dhawaad kadib, maadaama uusanw ax shaqo ah qaban tan iyo markii uu ka baxay garoonka Emirates Stadium.

Wenger wuxuu soo afjaray markaas 22-sano uu ku sugnaa waqooyiga London, wuxuuna mudadaas kooxda Gunners u hogaamiyay saddex jeer Premier League, waana macalinka kaliya ee si guuldaro la’aan ah ku qaaday horyaalka tan iyo markii magacaan la bixiyay horaantii sagaashamaadkii.

Comments are closed.