WARBIXIN: Waa Kuwan Toddobada Ciyaartoy Ee 20-kii Sano Ee Ugu Dambeeyay Saddexledya Ugu Badan Soo Dhaliyay – Midkee Sarreeya Ronaldo & Messi?

Advertisements

In saddex gool iyo ka badan hal kulan laga dhaliyo dabcan waa mid kamida riyooyinka ugu waaweyn ee uu weeraryahan leeyahay , Saddexleydu waa ujeedo uu leeyahay weeraryahan kasta oo aaminsan ciyaartiisa.

Waxaanu halkan ku muujin doonaa toddobada ciyaartoy ee saddexleyda goolasha ah ee ugu badan kasoo dhaliyay tartamada horyaalada Yurub 20-kii sano ee ugu dambeeyay.

Booska ugu sarreeya ayuu fadhiyaa Cristiano Ronaldo oo habeen hore afarley goolal ah markale kusoo caddeeyay inuu yahay dilaa goolasha ah halka uu labaad ku jiro Lionel Messi waxaana soo raaca Luis Suarez oo in door ah ka dambeeya labadooda.

Faah-Faahinta Min Booska 1-aad Ilaa 7-aad

1. Cristiano Ronaldo (52 Saddexley)

Ronaldo ayaa leh 43 jeer oo min saddex gool ah, Afar gool oo toddoba jeer ah, Shan gool oo laba jeer ah.

2. Lionel Messi (50 Saddexley)

Messi ayaa leh 46 jeer oo min saddex gool ah, Afar gool oo min saddex jeer ah, Shan gool oo hal mar ah

RIix Halkaan Si Aad U Akhriso:  CODDAYN La Sugayay - Jamaahiirta Real Madrid Oo Coddayn Laga Qaaday Ku Go'aamiyay Tababaraha Ay Doonayaan - Jose Mourinho Mise Cid Kale?

3. Luis Suarez (29)

Luis Suarez ayaa leh 20 jeer oo min saddex gool ah, Afar gool oo siddeed jeer & Hal mar oo lix gool ah

4. Robert Lewandowski (21)

Lewandowski ayaa leh 18 jeer oo min saddex gool ah, Laba jeer oo min afar gool ah iyo hal mar oo shan gool ah.

5. Sergio Aguero (17) 

Aguero ayaa leh 14 jeer oo min saddex gool ah, Laba jeer oo min afar gool ah iyo hal mar oo shan gool ah.

6. Edinson Cavani (15)

Cavani ayaa leh 13 jeer oo min saddex gool ah iyo laba jeer oo min afar gool ah

Advertisements

7. Radamel Falcao (12)

Falcao ayaa leh tobban jeer oo min saddex gool ah, Hal mar oo afar gool ah iyo hal mar oo shan gool ah.

Comments are closed.