WARBIXIN: Max Allegri Oo Heshiis La Gaaray Koox Weyn Oo Ka Dhisan Dalka Ingiriiska

Advertisements

Sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya gudaha Italy, tababarahii hore Juventus Massimiliano Allegri ayaa ogolaaday inuu maamulo koox weyn oo ka dhisan Ingiriiska, waxaana warkaan lasoo tabinaya xilli la xiriirinayay mudooyinkii dambe kooxda Man United.

Max Allegri ayaa isaga tagay shaqada kooxda marwada duqda ah kadib markii uu kooxda Turin ka dhisan u qaaday shan jeer oo xiriir ah horyaalka talyaaniga.

Balse, sidoo kale waxaa jira warar xan ah oo dib ugu celinaya kooxdiisii hore maadaama Maurizio Sarri uu kooxda ku qancin waayay habkiisa.

Ac Milan ayaa sidoo kale lala xiriirinayaa macalinkaan, balse Corriere dello Sport ayaa ku warantay in 52-jirkaan uu heshiis la gaaray koox ka dhisan Ingiriiska.

Advertisements

Wali ma cada kooxda ay tahay, inkastoo wargeyska uu fahamsan yahay iney tahay koox weyn, waxaana la xasuusan yahay in muddo dheer lala xiriirinayay shaqada Red Devils.

Maamulka Man United ayaan dooneyn in macalinka hadda ee kooxda Ole Gunnar Solskjaer uusan kusii nagaan kursiga fasalka soo aadan.

Comments are closed.