WARBIXIN: Magacyada Afarta Xiddig Ee Ay Barcelona Suuqa Dhigi Karto Iyo Kuwa Sida Lama Filaanka Ah Ugu Soo Baxay

Boodhka cusub ee kooxda Barcelona ayaa ah kuwo shaqo u taala qabsan doona toddobaadyada soo socda, madaxda cusub ee uu hoggaanka u yahay madaxweyne Joan Laporta ayaa ka warqaba si ay usoo jiitaan ciyaaryahano ay kamid yihiin Erling Haaland oo ay u dhisaan koox xoogan ay u baahan doonaan inay marka hore ciyaaryahano diraan.

Advertisements

Si kastaba, iyadoo uu caabuqa Korona Fayras saamayn xun oo dhinaca dhaqaalaha ah ku yeeshay kooxaha waaweyn ee Yurub, waxa adkaan doonta xataa sida ciyaaryahanada ay Barcelona dirayso ay ugu heli doonto kooxo doonaya.

Haddaba, waxaanu halkan idiinku soo bandhigi doonaa magacyada afarta ciyaaryahan ee ay Blaugrana diri karto suuqa xagaaga si ay u samayso isku shaandhayn baahsan oo ay safkeeda kusoo dhisayso.

Hawl-Galka Pjanic

Advertisements

Pjanic ayaa ku fashilmay inuu Barcelona la qabsado tan iyo markii uu kusoo biiray xagaagii hore, lacagta 60-ka Milyan ee euro ahayd ee uu ku yimid iyo hadda oo uu qiime ahaan 45 Milyan oo euro joogo ayaa ka dhigaysa heshiis uu ku baxo mid aad u adag amaba aan macquul ahayn.

Antoine Greizmann

Haddii uu Laporta awoodo inuu keeno Sergio Aguero iyo Erling Haaland dabcan waxay noqon kartaa dhammaadka waayaha Barcelona ee Greizmann, Barca ayuu ku yimid lacag 120 Milyan oo euro ah balse hadda ayuu qiime ahaan 72 Milyan oo euro joogaa waana lacag ay adagtahay in lagu qaato.

Heshiiska Amaahda Ah Ee Coutinho

Philippe ayaa ahaa mid si joogto ah u niyad jabsan tan iyo markii uu Barca tagay sanadkii 2018, qiimaha Coutinho ee hadda ayaa ah 48 Milyan oo pound, fursada uu markale amaah ugu bixi karo ayaa ka badan mida uu si rasmi ah ugu wareegi karo.

Mustaqbalka Braithwaite

Qiimaha Braithwaite ayaa ah 11 mIlyan oo euro suuqa maanta, rabitaankiisa ah inuu sii joogo Camp Nou ayaa adkayn karta heshiis uu kaga tago kooxda.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*