WARBIXIN: David Alaba Oo Isku Shaandhayn Sameeyay, Laba Kooxood Oo Uu Albaabka Ka Xidhay & Labada Uu Kala Dooran Doono

Sida ay sheegayaan il-wareedyada caalamiga ah ee Sky Sports iyo RMC Sports, David Alaba ayaa laba kamida kooxaha doonaya meesha ka saaray halka uu laba kooxood oo kale u doortay kuwa uu mid ahaan kala dooran doono.

Advertisements

Labada kooxood ee uu Alaba go’aansaday inuusan mid ahaan ku biiri doonin ayaa kala ah Paris Saint-Germain iyo Chelsea halka uu kala dooran doono kooxaha horyaalka La Liga ee Real Madrid iyo Barcelona.

RMC ayaa sheegaya in PSG ay ku fashilantay fursda ay David Alaba ugu qancin karaysay inuu kooxdeeda kusoo biiro oo ay qaab bilaash ah kaga soo qaadato Bayern Munich.

Wakiilada David ee kala ah Pini Zahavi iyo Fali Ramadani ayaa ka shaqaynaya sidii ay Alaba ugu dhammayn lahaayeen heshiis uu kooxahaas mid ahaan ugu biirayo.

Advertisements

Xaqiiqada ah in Alaba uu ku gacan saydhay Paris iyo Chelsea isla markaana uu doonayo inuu u wareego mid ahaan kooxaha ree Spain ayaa ah mid uu markii hore baahiyay Sky Sports isla markaana markii dambe RMC lagu xaqiijiyay.

Heshiiska uu xiddigan boosaska badan ka ciyaaraa ku joogo Bayern Munich ayaa dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedkan waxaana uu dhawaan si rasmi ah u xaqiijiyay inuusan sii joogi doonin kooxdaas ee uu koox cusub raadsan doono.

Tan iyo 1-dii bishii January, Alaba ayaa xor u ahaa inuu kooxaha kale wadahadalo la galo, Real Madrid ayaa ugu horreynba hoggaanka u qabatay saxeexiisa balse soo laabashada Joan Laporta ee jagada madaxweynenimo ee Barca ayaa noolaysay rajadii kooxdaas.

Laporta ayaa la sheegay inuu la kulmay wakiilada xiddiga, Real iyo Barcelona ayaa labaduba hal dhib ka tabanaya Alaba waana mushaharka aadka u badan ee uu dalbanayo oo ah 22 Milyan oo euro sanadkii.

Advertisements

 

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*