WARBIXIN: Champions League Ah La’aanta CR7, Neymar, Mbappe, Haaland & Liverpool – Akhriso Layaabka Lagu Arki Karo CL 2021-22

Dhammaadka xilli ciyaareedka 2020-21 ayaa ah mid ay kaliya inooga hadheen bil iyo badh kaliyi balse in badan oo kamid ah kooxaha sanadihii ugu dambeeyay sida joogtada ah uga qayb qaadanayay Champions League ayuu wali shaki ku jiraa ka qayb galkooda tartanka ee xilli ciyaareedka dambe.

Advertisements

Kylian Mbappe, Neymar Junior, Cristiano Ronaldo iyo kooxda Jurgen Klopp hormoodka u yahay ee Liverpool ayaa dhammaantood ku dhaw inay UEFA Europe League booskooda ka xoraystaan xilli ciyaareedka dambe.

Champions League 2021/22 without Cristiano, Mbappe, Haaland, Neymar and Liverpool?

Liverpool Halis Bay Ku Jirtaa

Liverpool ayaa hadda booska lixaad kaga jirta kala sarreynta Premier League iyaga oo laba dhibcood ka hooseeya kooxda booska afraad ee Chelsea, West Ham United oo shanaad joogta iyo Everton oo aan fogayn ayaa labaduba haddii ay soo kacaan hoos usii dejin kara Reds.

Advertisements

Juventus Oo Hoos U Dhac Gashay

Cristiano Ronaldo iyo Juventus ayaa halis dhab ah ku jira, waxay 12 dhibcood ka dambeeyaan Juventus lamana filayo inay ku guuleystaan Serie A, Bianconeri oo hadda booska afraad jooga ayaa shanaad u daadegi kara haddii ay Napoli garaacdo Arbacada toddobaadkan.

Mbappe & Neymar | Horyaal Ama Europe League

PSG ayaa hadda 3 dhibcood ka dambaysa kooxda hoggaanka u haysa Ligue 1 ee Lille kaddib guuldarradii ay kala kulmeen toddobaadkan, Monaco ayaa booska 3-aad joogta oo kaliya hal dhibic ka hooseysa PSG halka Lyon oo booska afraad ee Europe League loogu soo baxo fadhidaa ay kaliya 2 dhibcood ka dambayso isla Paris.

Haaland Hal Lug Ayuu Kala Baxay CL

Wakiil Mino Raiola ayaa u muuqda mid ay ka go’antahay inuu koox cusub u helo Erling Haaland xagaaga, sida haatan miisku yahay Dortmund ayaan Champions League usoo baxayn xilli ciyaareedka dambe iyaga oo toddoba dhibcood ka dambeeya afarta kaalmood ee sarre.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*